“Mid ii Codeeyay iyo mid aan ii Codayn ba waan u Mahad Naqayaa…” Guddoomiye Faratoon

0
117

 

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Xiir), ayaa shalay si rasmiya ula wareegay xilka hoggaaminta golahaasi.

 

Waxaanu ballan qaaday guddoomiye Faratoon, in wixii hada ka danbeeya uu golaha ku hogaamin doono odaynimo, iyo hayiin-nimo.

 

Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo dhawaan loo doortay xilka guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u mahad celiyay dhamaan ba xildhibaanadii taageeray, iyo kuwii ka soo hor jeeday ba markii lagu jiray loolanka xilka guddoomiyenimadda.

 

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhamaan ba saaxiibadii i taageeray, iyo kuwii iga soo hor jeeday ba waan u mahad naqayaa. Imika wixii ka danbeeya na waxaan u noqonayaa oday, sidii la igu waaniyay. Waxaanan diyaar u ahay in aan hogaamiye u noqdo”.

 

Geesta kale guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda  ayaa sheegay in khilaafyadii hore golaha uga dhici jiray in imika la gaadhay wakhtigii laga gudbi lahaa.

 

Maadaama oo muddo laba sanadood ah ay ka soo wareegtay wakhtigii la doortay xildhibaanadda golaha Wakiiladda, sidaas darteedna hadda la gaadhay wakhtigii hayin-nimadda.

 

“Khilaafaadkii iyo waxyaabihii iska dhici jiray na, waxaan rejaynayaa in imika la gaadhay Hayiin-nimadii, wakhtigeedii.

 

Laba sanadood ayaa u buuxsantay markii la doortay golaha Wakiiladda. Markaa 40% wakhtigeenii waynu dhamaysanay, waxaanan rejaynayaa in Hayiin-nimadii la gaadhay” ayuu yidhi guddoomiye Faratoon.

 

 

 

Leave a Reply