Abuuriddii iyo Cago-isku-taagii Somaliland kaalin Muuqata ayuu ka soo qaatay Faratoon.” Gudoomiyaha Guurtida

0
292

Hargeysa-(Dawan):- Gudoomiyaha Golaha Guuritda Mudane. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka qebgalay munaasibad uu Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md.  Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) shalay Xilkii si rasmiya ugula Wareegay.

Munaasibada oo ka dhacday xafiiska gudoomiyaha Wakiilada kana soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan ayaa dhamaantood uugu duceeyey Gudoomiye Faratoon in ilaahay gudashada xilka ku asturo.

Gudoomiyaha golaha Guuritda Md. Saleebaan Maxamuud Adan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inaanu Md. Faratoon ahayn ninkii gudashada xil loo tilmaami lahaa.

“Maanta ninkii xil loo tilmaami lahaa maaha Faratoon, wuu soo maray waxan oo dhan. Xilal waaweyn oo masuuliyad Qaran loogu adeego wuu soo maray. Baqo naguma jiro inaad Yaasiinow xilkaaga ka soo baxayso”

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Mudane. Faratoon Qaranka Somaliland abaal weyn ku leeyahay, oo inteena badan aynaan lahayn.

“Abuuridii iyo cago-isku-taagii Somaliland kaalin muuqata ayuu ka soo qaatay Faratoon.

 

 

Leave a Reply