Taliska Ciidamada Booliska oo beeniyay warar laga faafiyay Taliyaha Ciidamada Booliska

0
257

Hargeysa(Dawan)Taliska Ciidamada Booliska ayaa beeniyay warar laga  faafiyay  Taliyaha Ciidanka Booliska oo lagu sheegay in uu iscasilay.

Qoraal shalay  ka soo baxay taliska Ciidamada Booliska ayaa waxa lagu sheegay in aanay waxba  jirin in warar  lagu faafiyay baraha bulshada ee lagu sheegay in uu casilay Taliyaha Ciidamada Booliska Sarreeyo gaas  Maxamed Aadan Saqadhi.

Waxaana uu u dhignaa sidan.

Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin , tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga  JSL .

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo.

 

 

Leave a Reply