Tirada Shabeellada Hindiya iyo Bhutan oo kordhay

0
230

Hindiya iyo Bhutan ayaa sheegay in ay korodhay tirada shabeelka duurjoogta ah ee dalalkooda, sidaana waxay ku sheegeen  tirooyin cusub oo ay si gaar ah u soo saareen labadan waddan.

Hindiya waxay diiwaangelisay celcelis ahaan 3,682 shabeel – taas oo dalkeeda ka dhigaysa goyga shabeellada Cawlan ee laga helo dalal Bariga Aasiya, waxaana ay boqolkiiba 75% ka noqonaysaa tirada shabeellada duurjoogta ah ee adduunka, sida uu sheegay wasiiru-dawlaha kaynta, deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Hindiya.

Dhanka kale, Bhutan waxay diiwaangelisay 131 shabeel – waana korodh ah ilaa 27% boqolkiiba marka loo eego tirooyinkii ugu dambeeyay ee la sameeyey 2015.

Tirooyinkan cusub ayaa kusoo beegmaya maalinta caalamiga ah ee Shabeelka oo ah 31 bisha July.

Sida ay sheegtay wasaarada deegaanka ee Hindiya, korodhka tirada Shabeelka oo sanadle ah ayaa waxay sanadkan noqotay 6%.

Kobaca tirada shabeelku waa guul weyn oo ku timi ilaalinta Hindiya. Hindiya ayaa waxa ku yimi hoos u dhaca tirada shabeelka sanadihii 1970-naadkii, wax ka yar laba kun oo shabeel ayaa ku hadhay waxaana ugu wacanaa ugaadhsiga baahsan iyo deegaankii oo laga qaaday.

“Dadaallada ku dayashada leh ee Hindiya ee ilaalinta shabeellada iyo korodhka tirada shabeelku ma aha oo kaliya tira-koob balse waxay markhaati u tahay go’aanka iyo ka gonaanshaha qaranka,” ayuu yidhi wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimilada Bhupender Yadav.

Waddanka yare e Boqortooyada ah eek u yaal Buuraha Himalaya ee Bhutan, ayaa isna sidoo kale u dabaal-degay kobaca tirada shabeelka.

“Tani waa guul muhiim ah iyo calaamad muujinaysa nidaam deegaan oo aad u caafimaad qaba,” ayuu yidhi Chimi Rinzin, Agaasimaha Dalka ee WWF-Bhutan.

Sahanka Shabeelka Bhutan ayaa laga helay caddaymo muujinaya isaga oo ku tarmay meelo kala duwan oo dalka ah, taas oo soo jeedinaysa in boqortooyadu ay ka caawin karto dadka gobolka inay soo noqoto tirada shabeelku.

Warka Bhutan iyo India labadaba waa la soo dhaweeyay iyada oo dunidu ay sii wado la tacaalista noocyada shabeellada ee sii yaraanaya .

Ugaadhsiga, isbeddelka cimillada iyo dadka oo deegaankiisii ka qaadaya ayaa loo arkaa sababaha aasaaska ah ee yaraynaya nolosha xayawaankan.

Si kastaba ha ahaatee, noocan Cawlan ee shabeelka ah waa nooc halis ah marka loo eego tira koobka hay’ada WWF ee duur-joogta adduunka. Tirada shabeelka duurjoogta ah ee adduunka ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 95% qarnigii la soo dhaafay.

Bhutan, Hindiya iyo Nepal ayaa sameeyey horumar la taaban karo, iyada oo laba jibaartay tirada shabeelka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Hindiya, shabeellada badani waxay u tartamayaan ilo khayraad leh oo ay ku noolaadaan , taasina waxay keentay inay isku dhacaan dadka ku nool tuulooyinka u dhow meelaha ay ku nool yihiin.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay weerarrada shabeellada ee Hindiya intii u dhaxaysay 2019 iyo 2021, marka loo eego tirakoobka dowladda. Cabsi la mid ah taa ayaa ka jirta Bhutan.

 

 

Leave a Reply