Wagner oo diiradda saarayaa joogitaanka Afrika iyo Belarus

0
242

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa sheegay inay sii wadi doonaan hawlahooda ay ka wadaan Afrika iyo Belarus, balse hadda aanay qoreynin dagaalyahano cusub, sidaana waxa lagu sheegay fariin ka timi hogaanka kooxda Yevgeny Prigozhin.

Kooxdu waxay go’aan ka gaadhaysay ujeeddooyinkeeda soo socda, ayaa lagu yidhi fariin maqal ah oo ka soo baxay akoon Telegram-ah oo ku xidhan Wagner.

Dagaalyahanada Wagner ayaa door muhiim ah ka qaatay duulaankii Ruushka ee Ukraine. Bishii Juun, dhowr kun oo iyaga ka mid ah ayaa ka qayb qaatay gadood muddo gaaban socday oo ka dhan ahaa hoggaanka militariga Ruushka.

Farriintiisa maqalka ah, Mr Prigozhin wuxuu ku sheegay in inta badan dagaalyahannada Wagner ay hadda ku jiraan fasax, sababta oo ah “ka hor waxay galeen muddo dheer oo shaqo adag ah”.

Waxa uu sheegay in kooxdu ay go’aan ka gaadhi doonto hawlaha mustaqbalka, kuwaas oo loo fulin doono  si u wanaaagsan Ruushka”.

Kooxdu waxay si firfircoon u sii joogi doontaa Afrika iyo xarumaha tababarka ee Belarus”, ayuu ku daray fariintiisa.

Ma aanu bixin faahfaahin dheeraad ah, inkasta oo Wagner la og yahay inuu ku firfircoon yahay qaybo badan oo Afrika ah . Dagaalyahanadeeda ayaa sidoo kale ku sugnaa Belarus iyaga oo wax baraya ciidamada difaaca dhulalka.

“Iyada oo aanay jirin hoos u dhaca xagga shaqaalaha ah, ma qorsheynayno inaan qabanno shaqaaleysiin cusub,” ayuu yidhi Mr Prigozhin. Si kastaba ha ahaatee, aad iyo aad ayaanu kuugu mahad naqaynaa haddii aad nala soo xidhiidho, isla marka uu dalkii hooyo u baahado koox cusub oo ilaalin karta danaha dalkeena, waxa hubaal ah in aanu bilaabayno shaqaaleysiinta.

Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin wax xannibaad ah oo la saaray dagaalyahannada Wagner ama lagu khasbay in ay u wareegaan ciidanka Ruushka, qaar way ogolaadeen inay taas sameeyaan”.

Ka dib weerarkii Wagner ee fashilmay 24kii Juun , Madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku casuumay dagaalyahannada kooxda oo aan ka qayb qaadan kacdoonkii inay qandaraasyo la saxeexdaan wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Leave a Reply