Wasiirka Gaashaandhigga oo Tababar usoo Xidhay Saraakiil Ciidan

0
169

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud ayaa  shalay tababar u soo xidhay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tabbabarkan saraakiisha loo soo xidhay oo socday muddo 4 bilood ah, kaas oo lagu barayay saraakiisha xirfadaha GIS iyo Topograph, isla markaana dalka dibeddisa loo tagi jiray.

Wasaaradda gaashandhiga iyada oo ka duulaysa muhiimada ay ciidanka u leedahay barashada xirfadahani ayay ka suurta gelisay markii u horraysay in dalka gudihiisa lagu lagu barto.

Munaasibada xidhitaanka tababarkan waxa ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda gaashandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid), agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mustafe Cumar Faarax iyo Abaanduulaha ciidanka Qaranka JSL, Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Af Guduud).

Leave a Reply