Wasaaradda Maaliyadda oo Qabatay kulan Dib-u-eegista iyo Dar-dar Galinta Xisaab-xidhka Dawladaha hoose

0
230

Hargeysa- Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa furtay kulan hawleed dib-u-eegista iyo dardargelinta xisaab-xidhka dawladaha hoose ee dalka.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir oo uu Weheliyo Ku-xigeenka Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Sacad Riiraash ayaa ka qayb galay  shir Hawleedka ku saabsan dib-u-eegista iyo dar-dar galinta Xisaab-xidhka dawladaha hoose ee Sannadkii 2022 oo qayb ka ah Xisaab-xidhka Dawladda  ee dhawaan Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland loo gudbin doono.

Shirka waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, oo kala ah Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Maxamed Xuseen Mu’adinka, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Xisaabiyaha  Guud Axmed Da’ud Geeddi, Xisaabiye Ku-Xigeenka Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha ee ay shaqadaasi qusaysay.

Gaba-gabadii shirka waxa la iskula qaatay in wixii qabyo ah la dhammaystiro, kulan danbena lala yeesho Wakaaladaha iyo Hay’adaha Dawladda ee macaashka sameeya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply