249,000 Muhaajiriin ah ayaa Sanadka badhkii ka gudba kaymaha badhtamaha Amerika

0
170

Ku dhowaad ​​rubac milyan oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan ka gudbey goobta loo yaqaano Darien Gap, oo ah kaymo cufan ee kala qeybiya Panama iyo Colombia, waxaanay jebiyeen rekoodhkii sanadkii hore, sida ay dowlada Panama sheegtay Isniintii.

Kaymahan Darien, oo dhererkiisu yahay 165 mayl (265 kiiloomitir), ayaa noqday marin ay maraan muhaajiriinta ka soo jeeda Koonfurta Ameerika ee ku sii jeeda Maraykanka iyaga oo sii maraya badhtamaha Ameerika, inkasta oo ay khatarteeda leedahay.

Ilaa Axaddii, 248,901 muhaajiriin ah ayaa soo maray dariiq isna dhib badan oo ka yimaada Colombia, kaas oo tiradii sanadkii ugu dambeeyay martay ay kuwa hadu ka badan yihiin 600 oo qof, Maria Isabel Saravia, agaasime ku xigeenka socdaalka Panama, ayaa sidaas ku sheegtay shir jaraa’id.

Inta dadkani safarka ku jiraan waxay la kulmaan dugaag, webiyo iyo kooxo dambiilayaal ah oo dhac u geysta tahriibayaasha ama ka qaada lacag ay ku hagaan kaymaha.

Wasiirka amniga guud ee Panama Juan Manuel Pino ayaa ka digay in tirada soo marta marinka kaymaha ee Darien ay gaadhi karto 400,000 dhamaadka sanadka.

In ka badan shan meelood meel dadka soogalootiga ah ee la diiwaan galiyay sanadkan waa caruur iyo dhalinyaro, kuwaas oo kala badh ay yihiin 5 jir ama ka yar, ayay tidhi Saravia.

In ka badan 100,000 oo muhaajiriin ah ayaa u dhashay dalka Venezuela. Sidoo kale waxaa wadada marayey qiyaastii 33,000 Haiti ah, 25,000 Ecuadoriyiin ah iyo 8,500 oo qof oo ka yimid Shiinaha.

Leave a Reply