Markab Ruushku leeyahay oo ka baxay Georgia kadib markii lagu mudaaharaaday

0
124

Markab laga leeyahay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Astoria Grande ayaa ka dhoofay dekadda Batumi ee ku taalla badda Madow, kaddib markii dibadbaxayaal ka soo horjeeda dagaalka Ukariane ay ku soo tureen beed(ukun) iyo waxyaabo kale, waxaana baqay rakaabkii saarnaa.

Georgia ayaa soo jiidaynaysa dalxiisayaal Ruush ah, balse dibadbaxayaasha iyo xisbiyada mucaaradka ee ka soo horjeeda qabsashada Ruushka ee dhulka Georgia iyo duulaanka uu ku qaaday Ukraine ayaa diidan joogitaanka Ruushka.

Mudaaharaad ayaa sidoo kale ka dhacay caasimadda dalkaas ee Tbilisi.

Markabkan ayaa dhawaan bilaabay safarro badda Madow ah isaga oo ka yimid dekedda Sochi ee Ruushka.

Laakiin booqashada Isniinta ayaa laga yaabaa inay noqoto tii ugu dambeysay, maadaama Batumi ay hadda u muuqato in laga saaray jadwalkeedii.

Markabka Astoria Grande ayaa markii ugu horreysay barroosinka soo dhigtay Batumi usbuucii hore, isaga oo siday ilaa 800 oo dalxiisayaal Ruush ah u jeeday goobta loo tamashlaha tago ee Georgian.

Booqashadan ayaa ka cadheysiisay dadka deegaanka, iyada oo Ruushka hore looga maqlayay dacaayaddo Kremlin-ka ka soo baxay in duullaankii Ruushku ku tegay 2008-dii qaybo Georgia ah in Georgia ay tahay gobol ka go’ay Koonfurta Ossetia iyo Abkhazia ee ku jira gacanta Ruushka.

Markabka ayaa soo laabtay Isniintii, isaga oo martigeliyay fannaaniin taageerayey dagaalka Ukraine. Dalxiisayaasha ayaa markii ay ka soo degeen, la kulmay dibad baxayaasha oo lulaya calamada Georgia, Ukraine iyo EU, waxa ayna ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Putin.

Booliska ayaa xidhay 23 qof oo ay ku jirto haweeney Ukrain ah. Astoria Grande waxay ka tagtay dekedda fiidnimadii Salaadadii, taas oo ka soo horumartay intii la qorsheeyay.

Xisbiga talada haya ee Georgian Dream ayaa dad badan oo reer Georgia ah ka cadhoodeen kadib markii ay maqleen in ay qorshaynayaan in ay xidhiidh dhaw la yeeshaan Moscow isla markaana ay dib u soo celiyaan duulimaadyadii tooska ahaa ee labada dal.

Dhinacyada  taageersan midowga yurub ayaa ku ammaanay dibad baxayaasha sida ay uga soo horjeedaan “daandaansigii ugu dambeeyay ee Ruushka”, ka dib markii Ruushku joojiyay heshiis u oggolaanaya shixnadaha qamadiga ee Ukraine iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqa xorta ah ee maraakiibta ee Badda Madow.

Guddoomiyaha xisbiga talada haya Irakli Kobakhidze ayaa dhaleeceeyay mudaaharaadyada isaga oo ku tilmaamay rabshado,  wuxuuna sidoo kale dhaleeceeyay safiirka Maraykanka ee Georgia Kelly Degnan oo sheegay in aan dadka reer Georgia laga filayn inay soo dhaweeyaan dalxiisayaasha ka imaanaya wadan qabsaday dhulkooda.

Leave a Reply