Burco: Qoysas Danyar ah Oo Lagu Wareejiyay Guryo Loo Dhisay

0
165

Burco (Dawan): Hay’adda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka Somaliland ayaa shalay qoysas danyar ah oo degan magaaladda Burco ku wareejisay guryo loo dhisay.

 

 

Guryahaasi oo ay tiradoodu dhamayd 136 guri, ayaa laga hurgeliyay qaar ka mid ah Kaamamka barokaceyaasha magaaladda Burco.

 

 

Mashruucan waxaa iska kaashaday haayadaha UNHCR, oo maalgelisay, iyo haayada NRC oo fulinaysay, iyo haayadda qoxoontiga, iyo barokaceyaasha qaranka JSL oo qorshaheedda ay ku jirtay.

 

Waxaanu mashruucani uu ka socday saddexda magaallo ee Hargaysa, Burco, iyo Boorama, iyadoona magaalada Burco laga hirgeliyay 136 guri, sidoo kalena waxaa dadka loo sameeyay 136 mulkiyadood.

 

Munaasibad loo qabtay wareejinta guryahaasi waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka JSL C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), Muxumed Xasan Jaamac (Xoday), badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer, iyo maayarka magaaladda Burco.

 

Sidoo kale waxaa wareejinta guryahani goob joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socday haayadaha UNHCR, iyo NRC, iyo sidoo kale Agaasimaha waaxda barokaceyaasha ee haayadda qoxoontiga Somaliland Maxamuud Yuusuf Cali, iyo La taliyaha arrimaha qoxoontiga, iyo barokaceyaasha haayadaasi Xasan Cabdi Madar

 

Guryahani ayaa loo dhisay barokaceyaasha kala degan saddexda Kaam ee kala ah 18-ka May,  Guryo-samo, iyo Alla Aamin, ee magaaladda Burco.

 

guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha qaranka JSL C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), oo hadal ka jeediyay wareejinta guryahani ayaa sheegay in waxyaabaha ay haayaduhu qabanayaan aanay ahayn wax iska yimaada, balse ay yihiin wax soo mara dawladda, oo haayadaha lagu yidhaahdo halkaa geeya.

 

C/kariin Xinif, ayaa tilmaamay in markii ay haayadda UNHCR u timid in ay iyagu u dooreen inay guryahani ka dhisaan Burco, isla markaana ay soo qiimeeyeen saddexdan Kaam ee ay 136-ka guri ka dhiseen.

C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxyaabaha ay haayaduhu qabanayaan maaha wax iska yimaada, balse waa wax soo mara dawladda, oo haayadaha lagu yidhaahdo halkaa geeya.

 

UNHCR markii ay noo timid anaga ayaa u doornay halka ay guryahan ka dhiseen. Anaga ayaana soo qiimaynay saddexdan Kaam ee ay 136-ka guri ka dhiseen. Markaa waa qorshe ay dawladu leedahay in dadka si siman wax loo gaadhsiiyo”.

 

Agaasimaha waaxda barokaceyaasha ee haayadda qoxoontiga Somaliland Maxamuud Yuusuf Cali, oo isna halkaa ka hadlay ayaa xusay in qoysaskaasi barokaceyaasha ah lagu wareejiyay 136 guri oo loo dhisay iyo mulkiyadoodiiba.

 

Maxamuud Yuusuf Cali, waxa uu sheegay in mashruucani uu ka socday saddexda magaallo ee Hargaysa, Burco, iyo Boorama.

 

 

Kaasoo ay iska kaashadeen haayadaha kala ah UNHCR, oo maalgelisay, iyo haayadda NRC oo fulinaysay, iyo haayadda qoxoontiga, iyo barokaceyaasha qaranka JSL oo qorshaheedda ay ku jirtay.

 

Waxaanu yidhi “U jeedadu waxay tahay in 136 fayl, dadkii barokaceyaasha ahaa ee loo sameeyay lagu wareejiyo, iyo in si rasmiya loogu wareejiyo guryihii loo dhisay.

Mashruucani waxa uu ka socday saddexda magaallo ee Hargaysa, Burco, iyo Boorama. Magaaladan Burco 136 guri ayaa laga dhisay, sidoo kalena waxaa dadka loo sameeyay 136 mulkiyadood”.

 

“Mashruucan waxaa iska kaashaday haadayya UNHCR, oo maalgelisay, iyo haayadda NRC oo fulinaysay, iyo haayadda qoxoontiga, iyo barokaceyaasha qaranka JSL oo qorshaheedda ay ku jirtay” ayuu yidhi Agaasimaha waaxda barokaceyaasha ee haayadda qoxoontiga Somaliland Maxamuud Yuusuf Cali.

 

 

Dhinaca kale masuuliyiin ka kala socday haayadaha UNHCR, iyo NRC, ayaa qoysaska guryahaasi loo dhisay kula dar-daarmay in ay guryahani ilaashadaan.

 

 

 

Leave a Reply