Xuska Todobaadka Naas-nuujinta Ilmaha oo lagu qabtay Gobolka Awdal

0
109

Qormadeena Labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan, waxa aynu maanta ku soo qaadan doonaa Wasaarada Horumarinta Caafimadka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Awdal oo soo qabanqaabisay todobaadka naasnuujinta oo sanad walba la qabto todobaadka ugu horeeya bisha 8aad.

Barnaamijkeena waxa aynu ku eegi doonaa faa,iidada naas-nuujintu u leedahay ilamaha iyo hooyada labadaba, sidoo kale wax aynu soo qaadan doonaa wax yaabaha sanadkan lagu xusay naas-nuujinta Hooyada.

Wasaarada Horumarinta Caafimadka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka Awdal ayaa maanta soo qabanqaabisay todobaadka naasnuujinta oo sanad walba la qabto todobaadka ugu horeeya bisha 8aad

Sanadkan ayaa waxa awooda la saaray sidii loo garab istaagi lahaa Hooyada shaqaysa ee ilmaha naaska nuujinaysa sidii wakhti loo siin lahaa, masuuliyiinta madasha xuska ka soo qayb galay ayaa waxa ay soo jeediyeen in wakhti ku filan la siiyo hooyada shaqaysa ee ilmaha naaska nuujinaysa, si uu ilmuhu wakhti ku filan u helo, maadaama ay caanaha hooyadumuhiim u yihiin korintaanka ilmaha.

Sidoo kale waxa madasha aad loogu dheeraaday sida ay ilmaha iyo hooyadaba muhiim ugu tahay inay wakhti wanaagsan isu helaan wakhtiga nuujinta lagu jiro.

Masuuliintii kasoo qaybgashay Madhashan ayaa dhamantood hoosta ka xariiqay faaiidoyinka Naasnuujinta iyo in kor loo qaado laguna baruurijiyo hooyooyinka inay Naaska ilmaha u siiyaan sida ugu haboon oo ah laba sanno oo kaamil ah iyo in lixda bilood ee ugu horaysana loo siiyo carruurta si badhaxtiran,  waxaa sidoo kale  aad loogu dheeraday halku dhaga sanadka oo ahaa in hooyooyinka shaqeeya la garab istaago  wakhtiga naasnuujinta.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sannadkan si balaadhan usoo qaban-qaabiyay xuska todobaadka naasnuujinta aduunka oo sannnad kasta laga xuso guud ahaan Caalamka.

 

Leave a Reply