Golaha wakiillada oo Yeelanaya Kulan Islaab-xaadhasho ah

0
229

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Pro. Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in kulan albaabadu u xidhan yihiin ay yeelan doonaan mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo Isniin ah.

Guddoomiye Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa uu sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay in goluhu islaab-xaadho, isla markaan lagu dhammeeyo wixii khilaafyo ah ee jira.

Sidoo kale waxa uu xusay in kulankani turxaan bixin u noqon doono tabashooyin badan oo golaha dhexdiisa ka jira.

Waxaanu yidhi.“Waxaan maqlayay tabashooyin badan ayaa jira golaha, aaraa badan oo xildhibaanada qaarkood qabaan in wax lagu hagaajiyo ay u arkaan, ayaan maqlayay, waxa ay ka fursan weyday in shir albaabadu u xidhan yihiin aynu yeelano maanta, oo arrimaha tabashooyinku ka jiraan, khilaafyadu ka jiraan iyo xagga hagaajinta maamulka iyo wixii la tabanayo ay gorfayno, marka hawshaasi aynu dhammaynana wixii kale ee aynu galayno aynu galo”

 

Leave a Reply