Matxafka Australia oo dib u celinaya farshaxan qadiim ah oo laga xaday Cambodia

0
216

Madxafka qaranka Australia wuxuu ku soo celin doonaa waxyaabo qadiimi ah oo ka samaysan naxaasta kuwaas oo ku taariikhaysan qarnigi 9aad iyo 10aad, waxaana laga xaday dalka Cambodia, sidaana waxa sheegay saraakiisha .

Tallaabadani waxay daba socotaybaadhitaan toban sano socday oo ay sameeyeen labada waddan si loo ogaado asalka alaabtan iyo sidii loo soo celin lahaa.

Dowladda Cambodia ayaa soo dhaweysay tallaabadan taariikhiga ah oo ay ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in lagu saxo cadaalad daradii hore”.

Waxay ku soo beegantay iyada oo uu jiro dadaal caalami ah oo lagu soo celinayo alaab dhaqameed la dhacay.

Saddexda farshaxan waxay asal ahaan ka yimaadeen Boqortooyada Champa oo mar deggenayd Vietnam iyo qaybo ka mid ah Cambodia.

Matxafka Qaranka ee Australia (NGA) ayaa sheegay in farshaxannadan ay ku iibsadeen sannadkii 2011-kii lacag dhan $2.3m (£1.18m; $1.5m) oo ay ka soo iibsadeen mukhalasiin farshaxanimo British ah Douglas Latchford – oo dhintay 2020-kii.

Mr Latchford waxa uu ku lug lahaa ganacsiga sharci darrada ah ee agabka qadiimiga ah tan iyo 2016 sida ay sheegtay NGA, iyada oo lagu soo oogay eedaymo isaga ka dhanka ah 2019-kii oo la xidhiidha tahriibinta agabka la xaday ee bililiqada ha.

Sida laga soo xigtay ABC, waxa la celinayaa saddexda taallo oo Naxaas ka samaysan,waxaa laga soo qaaday Tboung Khmum oo ku taal bariga Cambodia 1994-tii ka dibna waxa loo tahriibin ganacsato caalami ah oo ka ganacsata soohdinta Thailand ka dibna waxa la keenay Mr Latchford.

Cambodia waxa ay sii waddaa in ay ugu baaqdo dawladaha caalamka in ay soo ceshato kumannaan alaab qadiimi ah oo ay sheegtay in laga xaday macbadyadeedii qadiimiga ahaa – oo ay ku jiraan kuwo badan oo ay sheegtay in ay ku yaalliin Victoria iyo Albert iyo Matxafyada Ingiriiska.

Waa markii labaad ee NGA ay soo celiyaan alaab la xaday sannadihii u dambeeyay.

Sannadkii 2021-kii, waxay Hindiya u soo celiyaan alaabo qadiimi ah oo taxane ah. qaarkood waxay soo jireen ilaa Qarnigii 11-aad – kuwaas oo lala xidhiidhiyay eedaysanaha mukhalasiinta qadiimiga ah ee Subhash Kapoor iyo ganacsade faneedkii New York ee William Wolff.

.

 

 

Leave a Reply