Hannaanka Dimuquraadiyadda Somaliland : Faa’iido mise Qasaare?

0
163

/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr):

 

Ka hor inta aynaan ka jawaabin su’aashan kor ku xusan; waxaan jecelahay in aan da’yarta Somaliland u yara iftiimiyo raad-raac taariikheed oo ku siman muddo 63 sano ah oo quseeya noocyada iyo xilliyada Maamul ama Dawladnimo ee ay dadka reer Somaliland ku hoos noolaayeen ama ay ka midka ahaayeen, welina ay ka yihiin.

 

Waxa loo kala qaybin karaa Afar xilli oo kala duwan oo mid weliba uu lahaa waayihiisa iyo saamayntiisa:

 

(1)ย  01.07.1960 ilaa 20.10.1969-kii: Muddo 9 sano ah bulshada Somaliland (oo xilligaa loo yaqaanay Reer Woqooyi) waxay ka mid ahaayeen Dawlad Rayid ah (aan ahayn Milatari) oo ku suntanayd nidaam qabali ah oo ay saldhig u ahaayeen eex, caddaalad darro iyo qabyaalad aad u fool xun.

 

(2) 21.10.1969 ilaa February, 1991-kii: Muddo ku dhaw 22 sano ummadda Somaliland (oo xilligaa loo yaqaanay Reer Woqooyi) waxay ku hoos noolaayeen nidaam Dawladeed oo Militari ah oo loo yaqaanay :Dawladda Kacaanka” kaasoo talada dalka Soomaaliya kula wareegay af-gembi-milatari. Xukunkaasi wuxuu ahaa nidaam ku dhisan cadaadis iyo keli-talisnimo ah. Ummadda Somaliland Xukunkaasi wuxuu u geystay xasuuq aad baahsan iyo xad-gudub bini’aadannimo oo aan qiyaas lahayn. Halgan dheer iyo dagaal qadhaadh oo naf iyo maalba loo huray ka dib, ummadda Somaliland waxay ku guulaysteen in ay bilowgii 1991-kii iska xoreeyaan taliskii arxanka darnaa.

 

(3) May 1991 ilaa December 2002: ka dib markii ay ummadda Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadii iyo qarannimadoodii; muddo 11 sano ah ummadda Somaliland waxay ku noolaayeen nidaam Maamul oo ku dhisan heshiis bulsho oo ay wada galeen beelaha reer Somaliland oo la odhan jiray Axdi Qarameedkii Beelaha JSL. Qaabka Maamul ee ay xilligaa ummadda Somaliland ku heshiiyeena wuxuu ka koobnaa saddexda dhadhaar ee Qaranka ee Fulinta, Sharci Dejinta iyo Garsoorka, oo dhammaantood aan ku iman doorasho toos ah oo dadweyne, balse ku yimid xulasho qaab beeleed ah oo ku salaysan Axdi Qarameedkii ay ku heshiiyeen beelaha reer Somaliland.

 

(4) April 2003 ilaa hadda 2023-ka: laga bilaabo xilligaa ilaa hadda, muddo 20 sano ah ummadda Somaliland waxay ku nool yihiin nidaam Dawladnimo oo ku dhisan hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada badan.

 

20-kii sano ee ugu dambeeyey, itaalka ay doonaanba ha lahaadeene dalka waxa ka dhacay doorashooyin kala duwan oo ku salaysan nidaamka Dimuqraadiyadda. Waxa la qabtay doorashooyin leh heer Gole Degaan (3 jeer), heer Madaxweyne (3 jeer) iyo heer Golaha Wakiillada (2 jeer).

 

Haddaba, maxaynu ka faa’iidnay Dimuqraadiyadda iyo hannaanka Xisbiyada badan ee aynu qaadanay??

 

Hirgelinta iyo ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadu wuxuu u baahan yahay xaddaarad iyo bisayl bulsho. Dhinaca kale, dhaqanka xoolo dhaqatada ee ku salaysan ku dhaadashada Qabiilka (oo ay bulshada Somaliland u badan yihiin) iyo Hannaanka Dimuqraadiyadda ee uu dalkeenu qaatay 20 sano ka hor, waxa cad in ay ilaa hadda isla jaan-qaadi la’yihiin.

 

Qaabka fikirka bulshadeena iyo hab-dhaqanka ku salaysan dareenka reernimada iyo nidaamka dimuqraadiyada oo ku salaysan doorasho xor ah iyo qofka oo codkiisa u dhiibta si madax bannaan, waxa muuqata in ay adag tahay in ay isla fal-galaan.

 

(LA SOCO QAYBTA 2-AAD: Hannaanka Dimuqraadiyada Somaliland: Faa’iido mise Khasaare?)

 

Leave a Reply