Madaxweynaha Somaliland oo Kulan ku Martiqaaday Saddexda Xisbi Qaran

0
215

Hargeysa (Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saddexda xisbi qaran ku martiqaaday kulan lagu falan-qeynayo arrimaha doorashooyinka.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu shalay xisbiyada u kala diray Xoghayaha Madaxweynaha Mubaarig Ismaaciil Taani, kaas oo loo kala diray Hoggaanka saddexda xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KUlMIYE, kulankaas oo qabsoomi doona Arbacada maanta.

Warqadaasina waxay u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si sharaf leh idiinku martiqaadaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidaasi darteed waxaan si xurmo iyo qadarin leh idiinla socod-siinaya in kulanku uu ka qabsoomi doono madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, maalinta arbacada ah ee bishan 9/8/2023 haddii ALLE yidhaahdo 10:00 subaxnimo”

Kulanta martiqaadka ah ee Madaxweynaha Somaliland u fidiyay Madaxda Saddexda Xsibi qaran,ayaa ka marag kacaysa in Madaxweynaha qaranku markasta diyaar u yahay in arrimaha doorashooyinka iyo hadba xaaladaha dalka ku soo kordha ee siyaasiga ah in laga wada hadlo isla markaana la iskaga yimaaddo.

Xisbiyada Mucaaridkana waxaa looga fadhiyaa in ay diyaar u noqdaan  in xaaladaha taagan iyo arrimaha doorashooyinka ay diyaar u noqdaan in laga wada hadlo isla markaana lagu wada dhaqmo shaciga.

 

Leave a Reply