Hadda Kadib Amar Ayay Haystaan Booliska JSL” Taliyaha Booliska JSL

0
149

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlay ayaa Taliyaha booliisku sheegay inuu ciidamada booliiska ku amray inay talaabo sharciya ka qaadaan kooxaha nabadgelyo-darada ka wada buurta gacan-libaax iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Kaahin oo hadal ka jeediyey kulan uu waraabinta kula hadlay xalay ayaa sheegay in mudadii ay soctay hawsha kooxda gacanlibaax ay dedaalo badan socdeen taas oo ay wadeen madax-dhaqameedka, ganacsato waaweyn iyo waxgarad kale ku jireen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumadu waxay go’aan ku qaadatay in ciidamada hubaysan ee buurta galay aan talaabo laga qaadin, oon la weerarin, Taliyaha Booliiskuna amar weerar muu haysan.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in go’aan lagu gaadhay in ciidanka buurta laga soo dejiyo, ay ku xidhnaatay Cabdiraxmaan Cirro,

“Maanta arrinka buurta masuuliyadeedu waxay saaran tahay Cabdiraxmaan Cirro, caddeynteedana waa la keenayaa. Dawladu waxay diyaar u tahay dadkaa waxay ay codsadeen, waxay kaloo ogolaatay inaan meeshooda loogu tegin. Ninkii dadka buurta saaray waa inuu ka soo dejiyo, waxaanan diyaar u nahay inaan kala shaqeyno.

Sidoo kale Taliyaha Booliiska S/G Maxamed oo ka hadlay koox nabadgelyo-daro ka abuurtay dalka ayaa sheegay inay marar kala duwan falal amni daro ka geysteen gudaha dalka, waxaanu yidhi.

“Maanta (Shalay) ciidan booliis ah oo 30 ah oo magaalada Go’da yar ku socda ayey jid-gooyo dhexda u galeen, 9 Askari ayey dileen, 17 askari dhaawac ayey u geysteen.

Taliyaha Booliiska ayaa hadalkiisa raaciyey in magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo mudaharaad laga bilaabay, oo shalay subax bilaabmay, ilaa xalay socday, isagoo raaciyey,

“Arrinkaasi waxay dhaawacaysaa amniga, waxay ka soo horjeedaa xasiloonidda, shaqooyinka ciidamada booliiska iyo ciidamada kale masuulka ka yihiin weeye.

Ciidanka Booliisku isagoo ka duulaya siyaasadda dawladda iyo amarka Madaxweynaha JSL, iyo amarka Wasiirka Arrimaha Gudaha kooxaha afarta jeer talaabooyinka sharcidarada qaaday,

“Bilowgii dhalinyaro ergo ah ayey afduubeen, markii labaadna ciidanka booliiska ayey nin ka dileen midna dhaawacay, markii saddexaadna weerarkii Daba-goreyaale ayey fuliyeen ay wax ku dhaceen, waxna ku dhaawaceen gaadhina kaxaysteen, markii afaraadna maanta (shalay) 11 August, ciidamada booliiska tirada leh dilay, qaar kalena dhaawacay, ilaa wakhtigan waxii ka horeeyey amar dagaal oo ragga in lala dagaalamo ma jirin. Ciidanka booliiskuna wax talaabo ah ma qaadin”

Taliyaha booliiska ayaa sheegay in ciidanka booliiska ee agagaarka buurta gacan-libaax jooga tiradiisu gaadhayso ilaa shan boqol, kana awood bateen kooxda budhcadu, hadii ciidanku la dagaalamo, laakiin ciidanku aanay u arkayn cadow kooxda, Amarna u haysan, waxaanu yidhi,

“Ciidanku amar inay dagaalamaan oo madaxda ka sarreysa siisay ma jirin, dareen colaadeed oo nimanka ay ka qabeena kuma jirin.

Taliyaha Booliiska S/G Maxamed ayaa sheegay mar hadii ciidanka booliiska  la dilay, waajibaadkiisu waxa ka mid ah inuu is-difaaco, qaranimadana difaaco, waxaanu yidhi,

“Ciidanka booliiska waajibaadkiisa waa inuu is-difaaco, qaranimadana difaaco. Laga bilaabo wakhtigan ciidanka booliisku waxuu amar ku qabaa inuu nimanka talaabada ku haboon ka qaado cid kasta, meel walba kaga daba tago.”

Mudaharaadka marka uu nabadgelyada khalkhalgelinayo, waa in amar loo soo qaato, amar la’aan ayey mudaharaad dhigeen, ciidanka booliiska waajibaadkiisu wa ailaalinta nabadgelyada waanu ku filan yahay.

“Masuuliyadda waxii ka dhacay buurta iyo mudahaaryada waxa qaadi doona ciddii soo dirtay, waanay iska caddaan doontaa.”

Taliyuhu waxa uu sheegay in aanay haysan amar ay Ciidanku ku dagaallamaan balse caawa laga bilaabo ay haystaan Amar lagula dagaallamayo ragaasi ku jira Buurta.

 

 

Leave a Reply