Shir Ku Saabsanaa Saamaynta Isbedelka Cimiladda ee Dalalka Geeska Afrika Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
119

Waxaa dhawaan magaaladda Hargaysa lagu qabtay shirweynaha 15aad ee Cilmi Baadhista saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda, kaasoo ay ka soo qayb galeen khubarro, iyo cilmi baadheyaal ka akla socday wadamadda Geeska Afrika.

Shirkaasi oo furmay 1-dii bishan Augost, waxaa soo qaban qaabisay jaamacadda Admas, faraceedda magaaladda Hargaysa, iyadoo na mudadii uu socday la isku waydaarsaday xoggo, iyo dooddo lagu falan qeeyay dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Waxaana shirkani ka soo qayb galay aqoon yahano, iyo khabiirro arrimaha deegaanka bartay oo ka kala socday dalalka Ethiopia, Jabuuti, Kenya, iyo wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed C/laahi Ducaale, iyo sidoo kale maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga jaamacadda Admas, qaybteedda Hargaysa.

Intii uu shirkaasi socday ayaa laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo ku saabsanaa saamaynta isbedelka cimiladda ka dhashay.Taasoo ay ku soo badhigeen khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani mudadii uu shirku socday, kuwaasoo ka kala yimid dalalka gobolkan Geeska Afrika.

Waxaana shirkaasi lagaga doodaya ama uu ku saabsanaa laba mawduuc oo muhiim ah, kuwaasoo kala ahaa saamaynta uu isbedelka cimiladu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika, iyo Tayadda waxbarashadda sare.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto dalkan jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ka soo qayb galaan aqoon yahano, iyo khubarro kala duwan oo ka kala socday dalalka Geeska Afrika.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qodobadii lagu falan qeeyay shirkaasi, iyo doodihii ay masuuliyiinta, khubarrada, iyo aqoon yahanku ka jeediyeen mudadii uu socday.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Baandare, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeedisay ayaa ka warbixisay saamaynta xun ee ay isbedelka cimiladu ku keentay dhulka Somaliland, kuwaasoo ay astaamaheedda muuqda ka mid yihiin abaarraha soo noq-noqday ee sanadihii ina dhaaftay dalkeenna ka dhacay.

โ€œ12 abaarood oo waaweyn ayaa ku dhufatay Somaliland 1997 ilaa hadda oo 2015-kii iyo 2017-kii mid ka mid ahi uu ahaa xag-jir. Waa inaan si adag u shaqaynaa maanta si aan u gaadhno yoolkeena berriโ€ ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku bogaadiyay jaamacadda Admas, dood cilmiyeedka noocan ah ee ay qabatay.

Waxaanu sheegay agaasimaha guud in shirkaasi uu muhiim gaar u leeyahay ka wasaarad ahaan, gaar ahaana qodobka khuseeya arrinta saamaynta isbedelka cimiladda.

Waxaanu yidhi โ€œWaxaan aamminsan-nahay in isbedelka cimiladu ay ka masuul tahay dhibaatooyinka oo dhan. Fahamka adduunka dabiiciga ah iyo waxa ku jira waa Isha keliya ee xiiso weyn. Laakiin, waa in wax laga qabtosaamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda, si dabeecadu u noqoto mid cagaar ah.

Ka wasaarad ahaan haddii aanu nahay wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, iyadoo uu wasiirku nagu hogaaminayo, shirkan waanu ka qayb galnay, waanan ka qayb qaadanay doodihii, dareenkayaga na waanu ku soo bandhignay”.

โ€œWaxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, in ay qabatay dood cilmiyeedkani. Waxaana laga soo jeediyay dood cilmiyeedyo taabanaya mawduucyo kala duwan, oo saamaynta isbedelka cimiladda ka hadlayay. Iyadoo na khubarro, iyo cilmi baadheyaal kala duwani ay ku soo bandhigeen, oo ka socday dalalka gobolkan Geeska Afrika.

Mudadii uu shirku socday waxaan aad iyo aad ugu bogaadinayaa jaamacadda Admas, oo soo qaban qaabisay. Waxa kaloo aan boogaadinayaa sida hufan ee ay ka qayb galeyaashu doodaha shirkan uga qayb qaadanayeenโ€ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Geesta kale Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in shirarka noocan ahi ay nuhiimad gaar ah u leeyihiin xukuumadda, si gaar ahna wasaaradda Deegaanka.

Waxaanu sheegay in haddii la helo xog sugan inay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho. Sidaas darteedna ay mar labaad jaamacadda Admas ku hanbalyaynayaan qabashada shirkani.

Isagoo arrimahaa ka hadlayay na waxa uu yidhi “Shirarka noocan ahi waxay nuhiimad gaar ah u leeyihiin, haddii aanu nahay haayadaha dawladda ee dejiya siyaasadaha qaranka, waxaanu mar kasta dhiiri gelinaynaa in aanu helno cilmi baadhisyo, ama xog ku qotonta wax la hubo. Haddii la helo xog sugan, waxay inta badan fudaydisaa in go’aan sax ah la gaadho.

Anagoo taa ka duulayna waxaanu mar labaad, iyo mar saddexaad ba u mahad naqaynaa, oo ku boogaadinaynaa jaamacadda Admas, shaqadan wanaagsan ee ay qabatay”.

Waxaanu intaas raaciyay “Wixii macluumaad ah, ama xog ah ee ka soo baxay shirkani, waanu soo dhawaynaynaa. Waxaanan rejaynaynaa, kuna dhiiri gelinaynaa in jaamacadaha kale na sida Admas, oo kale in ay dooddo cilmi baadhiseed oo noocan oo kale ah ay qabtaan” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL.

Dhinaca kale waxaa shirkaasi khudbado ka jeediyay xubin ka tirsanaa aqoon yahanadii shirk aka hadlay ayaa yidhi “Sidaas oo ay tahay, waxa aanu soo bandhigaynaa cilmi-baarayaashayada quruxda badan ee ka soo jeedin doona shirka 15-aad ee cilmi-baarista caalamiga ah ee kala-duwan, oo ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Admas.

Aad baanu ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqno ka qayb galka xafladan qiimaha leh, taasoo kulmisa khubaro ka kala socota dhinacyo kala duwan si ay u wadaagaan cilmi-baaristii ugu dambeysay iyo natiijooyinka. Nala soco wixii ku soo kordha bandhigyadooda oo nagu soo biir si aan ugu hambalyeeyno guushan”.

Idiris Yuussuf Cilmi, oo isna ka mid ahaa aqoon yahanadii khudbadaha ka jeediyay shirkaasi ayaa tilmaamay baahida loo qabo in la is-waafajiyo waxyeeladda ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyo saamaynta ay ku keentay nolosha aadanaha.

Waxaanu yidhi, โ€œMuddo 27 sanno ah, waxaan dooranay siyaasadda tillaabooyinka yar-yar, dhex-dhexaadinta, isku-dayga in la waafajiyo baahiyaha jidheed ee meerraha baahida loo qabo koritaanka aan dhammaadka lahayn ee nidaamka dhaqaalaha, oo leh fursado cusub oo faaโ€™iid

Leave a Reply