Warka lagu Sheegay in Jabhad Lagaga Dhawaaqay Awdal Waxaa Faafinaya Xisbiga Waddani” Af-Hayeenka Kulmiye

0
257

Boorama (Dawan): Af-hayeenka xisbiga Kulmiyee C/naasir Buuni, ayaa beeniyay war muuqaal ahaa oo lagu baahiyay barraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka oo lagu sheegayay in Jabhad hubaysan lagaga dhawaaqay gobolka Awdal.

Warkaasi oo ay dadweynuhu si weyn uga fal-celiyeen ayuu af-hayeenka Kulmiye ku eedeeyay inuu ka danbeeyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isla markaana uu wax ba kama jiraan yahay warkaasi lagu sheegay in jabhad lagaga dhawaaqay Awdal.

C/naasir Buuni, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Boorama, oo uu ka qayb galay ayaa muuqaalkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aanay wax ba ka jirin, isla markaana markii xisbiga Waddani uu wax taageerro ah ka waayay gobolka Awdal, in ay miciinsadeen baahinta warar been ah.

Waxaanu yidhi, “Waxaa jira muuqaal la wareejinayo barraha bulshadda ee Internet-ka, oo la leeyahay gobolka Awdal ayaa Jabhad lagaga dhawaaqay. Miyaad aragteen Boorama, ayaad joogtaane? Xisbiga Waddani ayaa wadda. Markii halkan (Boorama), iman kari waayeen, ayay muuqaalka beenta ah miciin sadeen”.

C/naasir Buuni, waxa kaloo uu sheegay in gobolka Awdal uu yahay gobolkii laga aasaasay qaran-nimadda Somaliland, sidaas darteedna ay iman karaan oo keliya xisbigii, ama cidii cod ka doonaysa, balse aan laga ogolaan Karin cid wax kale ka doonaysa.

“Gobolkani waa gobolkii qaran-nimadda Somaliland lagu aasaasay, nin cod ka doonaya ayuun baana iman karra, kii wax kale ka doonayaa halkiisa ha iska joogo.

La isma cafinayo, maadaama aanu nahay madaxdii gobolkan Awdal, ee waa in aan sheegnaa wixii jira, ee baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka la soo geliyay” ayuu yidhi af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni.

 

Leave a Reply