Xukuumadda Oo Baadhitaano Ku Sameynaya Dhacdadii Afduubka Gaawaadhida Halo Trust ah

0
226

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay Baadhitaano Ku Sameynayso Dhacdadii afduubka Gaawaadhida Halo Trust Ah

War saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibeddu soo saartay Khamiistii ayaa lagu sheegay in maalintii Arbacada ee 9-kii August, ay laba baabuur oo hay’adda Halo Trust lahayd iyo mid ka mid ah darawaladii ay dabley aan la garaneyn ay afduubteen, xilli ay u socdaalayeen gobolka Daadmadheedh, nasiib wanaag ma jirin cid kale oo falkaa masuul ka ahayd, waxaana maalin ka dib la sii daayey darawalkii.

Ciidamada ammaanka oo ay weheliyaan ciidanka booliska deegaanka ayaa wada baadhitaan la xidhiidha dhacdadaa, waxaana xukuumadda ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyay falkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u xaqiijinaysa dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajaanibka ah in arrinkaasi ahayd dhacdo ugub ah, oo ka dhacday waddo ammaan ah oo ay maalin kasta kumanaan qof isticmaalaan.

 

 

Leave a Reply