Hargeysa: Shan Mashruuc oo ka socda Degmada Axmed Macalin Haarun

0
132

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha degmada Axmed Macalin Haaruun ayaa kormeer ku tagey 5 mashruuc oo dhismayaashoodu ka socdaan degmadaasi.

Maxamuud Cabdi Xasan (Gufiindha), Guddoomiyaha degmada Axmed Macalin Haaruun, ayaa soo kormeeray shan mashruuc oo waa weyn oo ka socda degmadaasi.

Mashaariicdan ayaa kala ah jidka hormara degmada Axmed Macalin Haaruun, dhisme cusub oo ay yeelan doonto degmadu, dugsi hoose dhexe oo ka kooban 8 fasal, kaas oo dhismihiisu ka socdo xaafada Hodan Hiilis, dhismaha xarun caafimaad iyo goob waxbarasho oo ay yeelan doonto xaafada Naasa Hablood.

Waxa uu Injineerada iyo farsamayaqaanada gacanta ku haya dhismayaasha mashaariicdan ka codsaday inay ilaaliyaan tayadooda, waxaanu xusay in mihiim u tahay waxqabadka muuqda ee maalinba maalinta ka danbaysa ay ku talaabsanayso degmada Axmed Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Gufiindhe ayaa sheegay in ay rajjo weyn ka qabaan in ay sannadkan gudihiisa dhammaadaan dhammaanba mashaariicdan horumarineed ee

Leave a Reply