Wasiirka Ciyaaraha oo Dhallinyarada ka Codsaday Adkaynta Nabadgelyada

0
230

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha JSL, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qanbi, ayaa sheegay in xooga kaliya ee maanta dalka ka jira ay yihiin dhallinyarada, isla markaana ay   noqon karaan kuwa lagaga faa’idaysto, waxbarashada, wax-soo-saarka iyo xirfadaha.

Wasiirku waxa uu dhallinyarada JSL ugu baaqay meel ay joogaanba inay ka shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada si loo gaadho yoolka la hiigsanayo ee ah barwaaqada iyo horumarka, waxaanu ku booriyay inay markasta ka fogaadaan qabyaalada oo uu xusay inay bulshada kala fogayso.

Waxaanu yidhi.“Wax la qabto oo dhib ah waxa u weyn in dhiig lagalo, in dhiig la daadiyaana balaayo kaweyni majirto.

Ninka dhallinyarada leh kaalaya dagaalama waxa ka fiican isaga oo yidhaahda, ha shaqo tagina, waxkasta waa dhaamaan, dhallinyarada JSL meelkasta oo ay joogaan waxa aanu ugu baaqayna nabad, waxaan ka codsanaya inay nabadgelyada ka shaqeeyaan”

 

 

Leave a Reply