Madax-dhaqameedka JSL oo Baaq ka soo Saaray Xaalada Buurta Gacan Libaax

0
264

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida cuqaasha, madax dhaqameedka iyo sulaadiinta gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal ayaa baaq nabadeed ka soo saaray shaqaaqada ka dhacday Buurta Gacan Libaax, oo warbaahinta kula hadlay magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama,  waxaanay usoo jeediyeen bulshaweynta  Somaliland in si wada jira looga shaqeeyo nabadgelyada iyo wax isu ahaanshaha, isla markaana waxkasta oo la kala tabanayo lagu dhammeeyo miiska wada hadalka.

Waxa ay sheegeen in aanay ahayn rag kuraasi doonaya, balse ay yihiin kuwa dalka iyo dadka u damqanaya,   oo aan muxaafid iyo mucaarid midna kala jeclayn, waxaanay ka codsadeen bulshada in hadalkooda iyo waanadooda la qaato lana aqbalo.

Sidoo kale waxa ay bulshada ku wargeliyeen in wixii dhacay aanay wax danbe ka daba iman, waxaanay tacsi u direen ciidamada Booliska ee halkaas ku geeriyooday, kuwa dhaawacmayna waxay ILLAAHEY uga baryeen in uu ALLE u boggadhayo, waxaanay daneeyaasha doorashada ug baaqeen in miisnka wada hadalka la isugu yimaado isla markaana lagu dhammeeyo arrintaasi halkeeda.

Geesta kale waxa ay jabhada Buurta Gacan Libaax gashay ka codsadeen inay buurta ka soo degaan oo ay nabadgelyo qaataan si aanay wax danbe u dhicin.

Gaba-gabadii waxa ay Sulaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal ka codsadeen in cidkasta oo dhammeynta xaajada Buurta Gacan Libaax ku gacanta ku haysa lagu garab istaago,   isla markaana la joojiyo mudaharaadyada iyo waxkasta oo nabadgelyada wax u dhimi kara.

 

 

Leave a Reply