Xukuumada oo Sheegtay in la soo Weeraray Ciidamadda Qaranka Somaliland ee ku Sugan Sool

0
241

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in isbahaysi argagixiso ah, maleeshiyaad, iyo ciidamada Puntland ay soo weerareen ciidamka Qaranka ee ku sugan gobolka Sool.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool.

“Wasaarada Gaashaandhiga JSL, waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay shalay subax ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh isaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.

 

Leave a Reply