Xisbiga KULMIYE oo Shaaciyay Shuruudaha Xubnaha Tartamaya

0
252

Hargeysa (Dawan) Xisbiga KULMIYE ayaa Shaaciyay  shuruudaha looga baahan yahay xubnaha u tartamaya  jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye.

Warsaxaafadeed uu   soo saaray   Guddoomiye ku Xigeenka labaad Xisbiga KULMIYE Axmed  Cabdi-dheere  ayaa waxa lagu wargaliyay Xubnaha  u taagan  jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Xisbiga in qabashada codsiyadu ay bilaamayso 13 bishan isla markaana ay  xidhmayso  16 Bishan.

Wargalintan loo diray Xubnaha u sharaxan Guddoomiye ku xigeenka  koowaad ee  Xisbiga  KULMIYE waxa ay  u dhignayd  sidan:- “Ogaysiis ku socda Xubnaha Golaha Dhexe ee u Tartamaya Jagada Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga.

Mudanayaal,

Maadaama oo lagu tartamayn Guddoomiyaha Xisbiga oo loo raacayo Xeerka Xisbiga ee toos u buuxinayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga.

Hadaba waxaa laga doonaya Xubnaha Golaha Dhexe ee raba inay u tartamaan guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga in ay buuxiyaan shuruudahan hoos ku xusan:-

  1. In uu yahay Xubin Gole Dhexe ka mid ah kaadhkiisana keeno.
  2. Inuu keeno Cv-giisa
  3. In uu bixiyo $10,000 (Toban kun oo doolar) oo aan celis lahayn kuna shubo, Xisaabaha Xisbiga ee kala ah.

Xisaabta baanka dhexe =4564

Zaad=4093555

Waxay bilaamaysaa qabashada codsiyadu 13.08.2023, waxayna xidhmaysaa 16.08.2023 waxaana lagu soo hagaajinayaa Xafiiska Xoghaynta Xisbiga.

 

 

Leave a Reply