Agaaasimaha Gaashaan-dhiga oo la Kulmay Masuuliyiin ka Socda ICRC

0
130

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Mustafe Cumar Faarax, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socday hay’adda International Committee of The Red Cross (ICRC).

Kulanka agaasimaha iyo saraakiisaha hay’adda ICRC, oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay arimo khuseeya bina’aadanimada oo ay sababeen khilaafka magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool iyo sidii caawimo loo gaadhsiinlahaa dadka ku barakacay Laascaanood.

Agaasimaha ayaa saraakiisha u sheegay in dowladda Somaliland siyaasadeedu tahay ilaalinta xuquuqda bulshaweynta ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha ayaa saraakiisha hay’adda ICRC, ku wargeliyay in Maleeshiyaadka ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood ay fadhiisimo ka dhigteen xarumaha loogu adeego bulshada, sida cisbitaalada, iyo iskuullada.

 

Leave a Reply