Mishiinka Liisamada lagu sameeyo oo laga Hirgaliyay Boorame

0
149

Borama (Dawan) Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sidawada jira u daahfuray mishiinka liisamada iyo buugagta lagu sameeyo.

Isu-duwaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Awdal, mudane Kulmiye, ayaa sheegay in keenista Mishiinka daabacada Liisamada iyo buugagta lagaga baaqsan doono safarkii dheera ee loogeli jiray helitaankooda, kaas oo markii hore loo doonan jiray magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in ay tahay guul u soo hoyatay gobolka isla markaana laga helayo gudihii magaalada Borama Daabacaadii iyo sameyntii Liisamada iyo Buugaagtaba.

Agaasima waaxyada wasaaradda jidadka ee gobolka Awdal, ee Muuse Yuusuf iyo Ayaan Cabdicasiis, ayaa si wada jira u soo dhaweeyay keenista Mishiinka Daabacada Liisamada iyo Buugagta, waxaanay sheegeen in qorshaha wasaaradda uu ku yimid.

Wasiirku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka JSL, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in Liisamadii iyo Buugagtii Hargeysa loo tagi jiray maanta laga helayo gudaha magaala madaxda gobolka Awdal ee Borama.

Gaba-gabadii guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi, ayaa sheegay in Mishiinkan safar dheer loo gali jiray balse hadda daabacada Liisamada iyo Buugagtaba ay bulshaweynta gobolka Awdal ka heli doonaan gudaha magaaladooda.

 

 

Leave a Reply