Qorshaha Hagaha Maalgashiga Dalka oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

0
170

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha JSL ayaa lagu qabtay kulan lagaga tashanayay hagaha maalgashiga ee dalka.

Kulankan oo uu shir gudoomiyay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha JSL, Mudane Maxamed Cismaan Siciid, waxa ka soo qaybgalay, agaasimayaasha guud ee wasaaradda, ganacsiga, hawlaha guud, xannaanada xoolaha, horumarinta biyaha, macdanta iyo tamarta.

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay, sidii looga wada qayb qaadan lahaa dib u habaynta hagaha maalgashiga dalka, doorka ay ku leeyihiin wasaaradduhu ee ku aadan waaxda ay masuulka uga yihiin qaranka, wadaagista xog ururinta ku saabsan fursadaha maalgashiga iyo xogta ay ka hayaan wasaaraduhu, u gogol xaadhka shirwaynaha wadaagayaasha maalgashiga oo dhawaan qabsoomi doona, dardar gelinta mihiimada maalgashigu u leeyahay dalka iyo sidii loo iib-gayn lahaa fursadaha maalgashi ee dalka ka banaan.

Geesta kale mudadii kulankani socday waxa diirada lagu saaray dhammeystirka hagaha maalgashiga dalka, waxaana kulankan ka soo qayb gali doona masuuliyiin farsamo oo ka iman doona wasaaraddaha.

 

 

Leave a Reply