Dowladda Hoose ee Hargeysa ayaa Dib u habayn iyo Dayactir ku Sameysay 9 Iskuul

0
131

Hargeysa (Dawan) Maayir ku xigeenka magaalada Hargeysa Khadar Axmed Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyay talaabooyin dowladda hoose magaalada Hargeysa, ku dardargalinayaan adeeg bixinta waxbarasho ee goobaha waxbarasho caasimada, waxaanu sheegay dib u habeyn iyo dayactir ay ku sameeyeen 9 dugsi, kuwaas oo ka dhisan 9-ka degmo caasimaddu ka kooban tahay.

Maayir ku xigeenku waxa uu intaas ku daray in qorshahoodu yahay sidii dugsiyadu u noqonlahaayeen goobaha daboola adeeg bixinta waxbarasho ee ardayda, isla markaana hadda ay waddan bilic soo celintii iyo dayactirkoodii.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hadafka dowladda hoose caasimadu yahay sidii bulshadu u heli lahayeen waxbarasho tayo fiican leh iyo goobo waxbarshada ku haboon oo bilicsan.

Geesta kale Cosob Cabdikariim Sheekh Cumar, maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Cali Dayib, oo u warantay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa uga mahadcelisay masuuliyiinta Dowladda hoose ee Hargeysa, dib u habeynta iyo casriyeynta dugsiyadaasi kala duwan degmooyinka magaaladda Hargeysa ee ay gacanta ku hayaan dib u dhiskooda iyo bilic soocelintooda.

Dhanka kale Marwo Cosob waxa ay xustay in lacag kor u dhaafeysa 40 kun Dollar dowladda hoose Magaalada Hargeysa ku qarash gareysay dib u habaynta dugsigaasi hoose dhexe Maxamed Cali Dayib, waxaanay masuuliyiinta dowladda hoose ku boggaadisay tallaabada ay u qaaday tayaynta goobaha waxbarashada caasimada.

 

 

Leave a Reply