Guddii Guurtidu u Saartay Khilaafka Dalka oo la Kulantay Mucaaridka

0
92

Hargeysa (Dawan) Guddidii golaha guurtida JSL, u saaray ka soo talo-bixinta xaalada buurta Gacan-libaax ayaa kulan la qaatay madaxda labada xisbi mucaarid ee Somaliland.

Guddidii dhawaan golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland u saaray ka soo talo bixinta xaalada buurta Gacan-libaax, ayaa kulan la qaatay, madaxda xisbiyada mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI, mudane Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Kulamada ay la qaateen madaxda xisbiyada Mucaaridka Somaliland, ayay kaga wada hadleen sidii xal waara loogu helilahaa shaqaaqada ka taagan Buurta Gacan-libaax.

Halka sidoo kale kulankooda iskula soo qaateen sidii khilaafka arrimaha doorashooyinka ee dalka ka taagan, xal loogu helilahaa iyada oo la raacayo shuruucda dalka u yaala.

Gaba-gabadii kulamadaas ay la yeesheen asxaabta Mucaaridka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka, warbiximaha ugu mihiimsan ee ay kawada hadleen iyo tallo bixinta xaalada Buurta Gacan-libaax ee xal u helisteeda loo saaray, ay kula noqon doonaan golahooda maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo, si goluhuna go’aankiisa uga qaato.

 

Leave a Reply