Qoriga AK-47 oo raqiis ka noqday dalka Suudaan

0
310

Qiimaha qoriga AK-47, oo ka mid ah hubka aadka loogu yaqaanno dagaalka, ayaa bilihii lasoo dhaafay uu 50% hoos u dhacay qiimihiisa iyadoo suuqa madow ee caasimadda Suudaan ee Khartuum lagu kala iibsado keliya $830 (£650).

Nin muddo dheer ka ganacsanayay hubka oo warbaahinta  la hadlay ayaa hoos u dhaca ku sababeeyay in suuqa madow lasoo dhoobay qoriga Kalashnikov ee lagu sameeyo dalka Ruushka.

Suudaan ayuu dagaal ka qarxay bishii April.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamada iyo Kooxda Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan.

Ninkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin isla markaana ka ganacsada hubka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka hubka keenaya suuqa madow ay yihiin ciidamada howlgabka noqday.

Hubkan ayaa aad suuqa usoo galay, gaar ahaan kaddib dagaalkii magaalada Baxri ka dhacay bishii July.

Meydadka askarta ayaa daadsanaa waddooyinka Baxri, iyadoo ciidamada dowladda uu khasaare ba’an soo gaaray.

“Askar badan ayaa la qabtay kuwo kalena waa la dilay, marka dadka inoo keena hub badan ayay hayaan,” ayuu yiri ganacsadaha.

XIGASHADA SAWIRKA,

Tani micnaheedu waa inuusan ku tiirsaneyn hubkii laga soo gelin jiray Saxaraha ee Libya ka imaan jiray, kaasoo uu ku tilmaamay suuq furan oo hubka ah.

Waxay tani muujineysaa heerka ay gaarsiisna tahay sharci-darrada iyo xasilooni la’aanta ka jirta dalkan ku yaalla Waqooyiga Afrika, tan iyo markii xukunka laga tuuray lana dilay hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay Muammar Gaddafi sanadkii 2011.

Markii hore hubka sida qarsoodiga ah loo soo geliyo ayaa inta badan laga iibin jiray mucaaradka iyo maleeshiyaadka ku lugta lahaa dagaalladii muddada dheer ka socday Suudaan, amaba dlaka deriska la ah ee Chad.

Balse haatan dagaal-yahannada ayaa goobaha dagaalka kasoo qaata hubka saraakiisha la dilay amaba la qabtay, waxayna ka iibiyaan ganacsatada.

Suudaan ayaa waxaa ka dhacay dagaal sokeeye bartamihii bishii April ee sanadkan wuxuuna u dhaxeeyaa madaxa ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan, iyo hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaanno Hemedti.

Labadan nin ayaa isku dayay afgembi bishii October 2021, balse kaddib waxaa dhex martay xurguf dhanka awoodda ah oo horseedday inay hub isu qaataan iyo billowga dagaal aan u muuqan mid dhammaanaya.

Ninkan hubka ka ganacsada ee BBC u warramay ayaa sheegay in hubka kale ee ka dalabaad badan AK-47 uu yahay bistooladaha oo ay fududdahay isticmaalkooda iyo qaadashadoodaba.

Dadka deegaanka ayaa qaadanaya bistooladaha maaddaama sidii ay dowladdu u dhacday ay faraha kasii baxayaan falal-dembiyeedyada.

Dembiilayaasha ayaa haatan kusoo batay waddooyinka, kaddib markii dhowaan la jabsaday xabsiga ugu weyn ee ku yaalla Kjartuum.

Dembiga ayaa sidoo kale batay maaddaama dagaalku uu ku qasbay ganacsiyo badan in la xiro, waxaana ka dhashay shaqo la’aan, iyadoo sicir-bararkuna cirka isku shareeray.

Inkastoo dadku ay dhaqaale ahaan daalaa-dhacayaan, haddana dadka qaar ayaa iibsanaya hub si ay naftooda ugu ilaaliyaan, gaar ahaanna iyadoo guryaha la jabsanayo oo la dhacayo haweenkana la kufsanayo.

Ganacsadaha hubka ayaa sheegay in bistooladdu qiimaheeda uu hoos uga dhacay 800,000 oo pound-ka Suudaan ah ($1,330) oo haatan lagu iibsanayo 200,000.

Dadka ayaa dalbada hubka iyadoo kaddibna guryahooda loogu geeyo.

Ganacsatada ayaa afka uga sharraxa sida loo isticmaalo qoriga AK-47 oo aysan weligood ku fekerin inay heysan doonaan

 

 

Leave a Reply