Dhacdooyinka Yaabka Badan!

0
140

Sanadkii 1968 ayaa dalka Japan nin askari ah oo Mooto wataa uu joojiyay gaadhi ay lahaayeen Baanka Japan oo ahaa kuwa lacagta lagu qaado. Askariga ayaa markiiba si degdeg ah ugu wargeliyay in loo sheegay in gaadhigu uu qarxayo oo bam hoosta kaga xidhan yahay. Intii aanu hadal kale odhan ayay markiiba shaqaalihii iyo darawalkii si kedis daaqadaha u booben oo gaadhiga faaruqiyeen.

Askriga ayaa u sheegay inuu gaadhiga  xagiisa hoose galay waxaana uu mar kale ku wargeliyaya inay iska durkaan haddii qarxo. Wakhtigaasi ayuu mid kasta si niyad uga baxasaday goobta. Gaadhigu yaallayiyagoo ay naxdin iyo cabsiyi madax martay..

Cajiib, Askariga ayaa markiiba gaadhiga koray waxaana uu kala baxay lacag saarayd oo dhamayd 300 malyuun oo lacagta Japan ah. Waxaan uu ahaa Tuug iska dhigay askari laakiin ma ahayn ciidanka dawladda.  Waxase yaab ku noqotay dawladda iyo shacabka Japan in tuugaasi aan ilaa maanta la ogayn, lana helin si kasta oo loo baadhay ama loo daba galay

Leave a Reply