Golaha Guurtida JSL oo Ganacsatada Dalka ugu Baaqay inay Bulshada ka Jabiyaan Maceeshada Qaaliga ah

0
196

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa sheegay in bulshadu ay la daala dhacayso xaalado isbarkan oo ay sababeen dhaqaale xumo iyo sicir-bararka dalka ka jira ee aan maalina maalin ku darayn.

Xildhibaanu waxa ay sheegeen in maceeshadu bishan uu sarre u kac aad u weyni ku yimid, waxaanay xuseen in aanay bulshadu qaadi karin.

Xildhibaan Mustafe Ibraahim Ciise (Aw Buux), ayaa sheegay in qiimaha maceeshadu uu kor u kacay bishan hadda lagu jiro, isla markaana ay ganacsatadu ku kordhiyeen qiime aan macquul ahayn, waxaanu xildhibaanku tusaale u soo qaatay quutal daruuriga ay dadku sida joogtada ah u isticmaalaan iyo midkasta qiimaha ku kordhay.

Waxaanu yidhi. “Dalkan iyo dadkan aad ku kordhinaysaan shay-kasta 4 dollar, 5 dollar, 6 dollar dad Mareykan ku nool maaha, dad Kanada ku noolna maaha, waa bulsho danyara oo ku nool Somaliland, oo idinla degan.

Bulshada hadda 3-dii wakhti ee wax la karsan jiray hal wakhti uun baa wax la karsada xaafadaha qaar marka aynu runta ka hadalo, oo wax la cunaa.

Haddii marka danyatara aynu u hadli weyno oo ganacsatada maalinba maalinta ka danbeysa Maceeshada qiimaha ay doonaan ku kordhinaya aynaan ka qaban gadood ayaa dhici, xafiisyada ayaana la isugu soogeli, booba iman, rabshadba iman, abniga tagi, waxla cuno marka la waayo.

Marka waxaan soojeedinayaa waar hoos haloo eego bulshada danyarta ah ee aan tahli karin inay iibsadaan meeshada qaaliga ah.

Tusaale ahaan, Kiishka Sonkorta ahi bil ka hor waxa uu ahaa 35 dolar maanta waa 41 dollar, Bariisku hal bil ka hor 31-dollar ayuu ahaa maantana waa 34 dollar, Saliida 3-da Litir ahi bil ka hor 22 dollar ayay ahayd maantana waa 25 dollar, taasna bulshadu ma qaadi karto, haddaba waxa aan ganacsatada u soojeeinayaa in bulshada loo naxariisto, xukuumaduna qorshe ka yeelato”

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa sheegay in hay’addaha dowladdu muddooyinkii u danbeeyay ay dhaqaale la’aan awgeed ay ugudan kari waayeen hawlahoodii shaqo, sidoo kale waxa uu shir-guddoonkiisa ka codsaday inay ay wanaagsan tahay in la xisaabtamo.

Waxaanu yidhi. “Habayaraado dhaqaalaheenuye haddii la dayactirayo oo meeshi loogu talo galay uu gaadhayo waxba kamay xumaadeen, waxa hay’addihi dalku u shaqayn kari waayeen waa dhaqaale xumada, 12 sano wakhti ku dhaw ka gole ahaan wax micnaleh oo weyn maynaan qaban, sababta aynu u qaban kari weynayna waa dhaqaale xumo, miisaaniyad ayaynu leenahay, dhaqaalaha ayay ka mid tahay wax lagu qabto ma naqaano, goluhuna kuma shaqeeyo shir-guddoonkana ma soo dhaafto, taasi ayaa loo baahanyahay in aynu ka bilowno dhaqaalaha dalkeena oo innagu xisaabtano”

Xildhibaano Cabdirisaaq Haybe, ayaa sheegay in oo shaaca ka qaaday in Itoobiya Qaybo ka mida Ganacsigii ay Somaliland ay ka qaadan jirtay ay joojisay, isla markaaana ay bulshadeena ku wargelisay in aanay magaalo ganacsigeedka Tog-wajaale waxba ka iibsan ilaa xall loo helayo sicir-bararka.

Waxaanu yidhi. “Xaggi ganacsatada dhaqaale xumo aad u weyn ayaa soowajahday, magaala ganacsiyeedkii Wajaale wuu xidhan yahay, sidoo kale Birtii ayaa sarre u kacday isu socodkii Somaliland iyo Itoobiyana hoos ayuu u dhacay, oo markii Sicirbararku kor u kacay Itoobiya joojisay wixii Somaliland uga tagayay 40 shay oo ka mida, isla markaana bulshadeeda iyo ganacsatadeeda ku amartay in aan laga soo iibsan karin magaalo Ganacsiyeedka Wajaale, marka sidaasi haloo ogaado ilaa 40 shay ayaan iibkoodu ka gudbin magaalada Tog-wajaale”

 

 

 

Leave a Reply