Madaxweynaha oo Dhagax-dhigay Cusbitaalka Maanka ee Berbera

0
143

“Dalkoo dhan iyo dadkaba ALLE SWT ha inoo barakeeyo Berbera-na waa magaallo taariikh weyn leh…” Madaxweyne MBC

Berbera (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay magaaladda Berbera ka dhagax-dhigay cusbitaalka Maanka.

Cusbitaalkaasi oo la doonayo in laga dhigo mid aad u casri ah ayaa markii hore ee loo yaqaanay Jeel- magnuunka Berbera, kaasoo dhisan muddo dheer oo gaadhaysa 93 sannadood.

Sidaa awgeed na waxaa loo baahday in dhisme casri ah oo la jaan-qaadaya cusbitaaladda kale ee dalka in laga dhiso.

Waxaanu qorshuhu yahay in cusbitaalkaasi lagu daaweeyo dadka Maskaxda ka buka, maadaama oo magaaladda Berbera ay ku taallo xeeb laga heli karro Hawo fiican.

Iyadoona kharashka ama dhaqaalaha dhismaha cusbitaalkani ay bixinayso dawladda hoose ee magaaladda Berbera.

Madaxweyne Muuse Biixi, iyo weftiga uu hogaaminayo oo habeen hore soo gaadhay magaaladda Berbera, iyagoona ka soo kicitimay magaaladda Burco, oo weftiga madaxweynuhu ay maalmahanba ku sugnaayeen.

Waxaana dhagax dhiga cusbitaalkan Maanka ee Berbera madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, badhasaabka gobolka Saaxil, Cali Cabdilaahi Cabdi (Cali Case), maayarka Berbera C/shakuur Cidin.

Wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), xildhibaan Cali Jaamac Carraale (Cali Qaran), iyo Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka gobolka Saaxil Dr. Mubarik Yasiin Warsame.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga dib-u-dhiska cusbitaalkaasi ayaa u mahan qay, una duceeyay maayarka Berbera C/shakuur Cidin, oo bixinaya kharashka dhismaha cusbitaalkaasi.

Isagoo na si gaar ah ugu amaanay maayarka Berbera C/shakuur Cidin, horumarka muuqda ee uu ka hirgeliyay magaaladda, bilicdeedda, waddooyinka, dhiraynta, iyo wxyaabaha kaleba.

Muuse Biixi, waxa kaloo uu sheegay in magaaladda Berbera ay leedahay waxyaabo u gaar ah Juquraafi ah, isla matkaana ay ku taallo meel istaraatiji ah.

Waxaanu horumarka laga sameeyay magaaladda Berbera ku bogaadiyay maamulka dawladda hoose, odayaasha, iyo waxgaradka magaaladda oo isku duuban.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dalkoo dhan, iyo dadkaba ALLE SWT ha inoo barakeeyo. Magaaladan Berbera-na waa magaallo weyn, oo taariikh weyn leh, oo meel Juquraafi ahaan aad u fiican uu Alle SWT dhigay, oo istaraatiji ah. Waana magaallo Badda, iyo Berriga ba laga jecel yahay. Maamulka Berbera, iyo Innanka ka maayarka ah, iyo odayaasheedda, oo aad uga shaqeeyay magaaladda, oo wejigeedii isbedelay, iyaga na waan u ducaynaynaa.

Hawsha na intaa inooga sii kordhiya, magaaladii oo dhiraysan, oo wada Waddooyin ah, oo nadaafad ah, dadkii oo is ogol, waan idinku hanbalyaynayaa”.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi), oo isna dhagax dhigaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada cusbitaalkaasi u leeyahay degmadda Berbera, iyo deegaamadda kale ee ka tirsan gobolka Saaxil.

Waxaanu yidhi “Waxaan rejaynayaa inuu noqon doono cusbitaal casri ah, oo la jaan-qaadi karra cusbitaaladda kale ee dalka ka jira. Addeegyadii loo baahnaana laga heli doono.

Xanuunka Maanku na, waa xanuun ka mid ah xanuunadda dadka ku dhaca, marka uu qofka ku dhaco, waxaa la geeyaa xarumaha caafimaadka, oo qofkii iska laddan ee Kiniinka qaadan karaya, waxaa lagu xidhayaa xarumaha caafimaadka. Waxaana kharashka ku baxaya dib-u-dhiska cusbitaalkani naga qaabikay maayarka Berbera”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada JSL Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), ayaa isna sharaxay arrimaha muhiimka u ah dadka maanka ka buka ee ay Berbera u leedahay.

Waxaanu sheegay in cusbitaalkaasi dib-u-dhiska lagu samaynayo oo uu dhisay gumaystihii Ingiriisku inay jireen waxyaabo gaar ahaaneed oo loo xushay in xiligaa Berbera laga dhiso.

“Aad baan ugu faraxsanahay in cusbitaalkan Maanka la dhagax dhio. Berbera-na laba arrimood baa Ingiriisku ugu xushay in laga dhiso cusbitaalka Maanka, ee daska Waalan lagu dabiibo.

Oxygen-ta oo ku badan halkan, oo waa xeeb, iyo Dhaxanta oo aan ka jirin, oo qofku markuu xanuunsanayo Maryaha ayuu tuurraa, oo markaa xeebta Gabadano, iyo Oof-warreen kama jiraan.

Sidoo kalena dullinku kuma dhasho, oo Injir, iyo Kutaan, ma yeelanayso” ayuu yidhi wasiir Cali Xoor-xoor.

Maayarka Berbera C/shakuur Cidin, ayaa tilmaamay in marar hore oo dib u habayn lagu sameeyay cusbitaalkaasi in hadana muddo gaaban kadib uu bur-buray, sababo jiray awgeed.

Waxaanu sheegay in hadda dhismahan laga dhigayaa uu yahay mid aad u weyn oo casri ah, isla markaana la jaan-qaaday cudbitaaladda kale ee dalka.

C/shakuur Cidin, oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhibaatadda ugu badan ee cusbitaalkan maga haysatay waxay ahayd, in marka dib-u-dhis lagu sameeyo, hada na muddo gaaban kadib uu bur-burayay. Markaa maanta farxad weyn bay noo tahay in cusbitaal weyn, oo casri ah laga dhisi doono”.

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo habeen hore u hoyday Magaalo Xeebeeda Berbera ayaa Subaxnimadii hore ee shalay maqaaxida Oon-xoolaad kala quraacday qaar ka mida shacbiga ku dhaqan Berbera, waxaanu madaxweynuhu quraacda ka dib Kormeer ku soo maray goobaha ganacsiga oo ay ka mid tahay sariibadda weyn ee Magaalada Berbera, isagoo u kuurgalay xaalada guud ee suuqa, warbiximana ka dhegeystay dadka halkaa ka ganacsanayey.

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray suuqyada Magaalada, iyadoo dadka ku dhaqan Berberina ay si weyn u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday oo ay ka mid ahaayeen maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka.

 

 

 

 

Leave a Reply