Dawladda Taywan oo Deeq Lacageed ku Wareejisay JSL

0
134

Hargaysa (Dawan) Dawladda Taywan oo xidhiidh siyaasadeed oo hufan ka dhexeeyo qaranka Somaliland, isla markaana uu ka dhexeeyo iskaadhi dhicanya badan sida dhaqaalaha, waxbarashada, istaakulanta iyo arrimo kale oo badan ayaa waxa ay qaranka Somaliland ugu deeqday deeq lacageed oo dhan 2 Milyan oo dollar, taasi oo dawlada Taiwan ay ugu talagashay arrimaha bani’aadantinimada sida caafimaadka iyo waxbarsahada.

Tan iyo intii uu bilaabmay xidhiidhka Dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa jiray in labada dal ay is dhaafsadaan, kana wada shaqeeyaan arrimaha ka dhexeeya, maaha markii u horeysay ee dalwada Taiwan ay deeq soo gaadhsiiso Somaliland, balse waxa ay is-garab taagta Somaliland wakhtiyo kala duwan, taageerana u muujisay.

Munaasibada Dawlada Taiwan ay ku wareejinaysay deeqda lacageed ayaa waxa goob jog ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, kuwaasi oo kala gudoomay deeqdaasi lacageed ee lagu fulin doono arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka, horumarinta Tiknoolajiyada iyo mashaariic kale oo badan.

Xogta deeqdan lacageed ayaa waxa ka warbixiyay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay in dawaladda Taiwan ay deeqdan ugu talagashay arriamaha Bani’aadanimada sida Biyaha, Cuntada, Waxbarashada, Caafimaadka, isaga oo wasiirku qiray in xidhiidhka dawladda Taiwan oo yahay mid wax ku ool ah.

Leave a Reply