Wasaaradda Shaqo Gelinta oo Qabatay Kulan Lagaga Hadlayay Daryeelka Bulshada

0
119

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa furay kulan lagaga hadlayay daryeelka Arrimaha bulshada kaasoo ay kaso qayb galeen agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Waxaana kaso qayb galay badiba agaasimayaasha guud ee waaaradaha dalka, kulankaas oo diirada lagu saarayey hir gelinta nidaamka daryeelka bulshada.

Taas oo madaxwaynaha qaranka JSL, uu kusoo saaray wareegto madaxwayne oo dhaqan galka dhammaanba maamulka iyo maaraynta nidaamka daryeelka bulshada.

Waxaana kulanka lagu falanqeeyey habsami u socodka arrimaha la xidhiidha nidaamka daryeelka bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday sidii loo dardargelinlaha hawlaha shaqo ee daryeelka bulshada.

 

 

Leave a Reply