Suldaanka Guud oo Dareenkiisa u Muujiyey Ciidanka Qaranka JSL

0
421

Hargeysa (Dawan) Suldaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ayaa muujiyay dareenkiisa iyo sida uu u garab taagan yahay ciidanka qaranka Somaliland. Sidoo kalena waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay si buuxda isu garab taagaan ciidanka Qaranka.

Suldaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa isaga oo xidhan dirayska ciidamada Qaranka Somaliland waxa uu ka qayb galay isu soo bax ballaadhan oo lagu taageerayo ciidamada qaranka Somaliland oo shalay lagu qabtay goroonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa, waxaanu fagaarahaasi ka sheegay inuu si buuxda u garab taagan yahay ciidamada Qaranka.

Suldaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo fagaarahaasi hadal ka jeedinayay ayaa u mahad naqay bulshada isu soo baxday ee dareenkooda muujiyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa bulshada reer Hargeysa ee maanta isugu soo baxay in ay muujiyaan dareenkooda iyo sida ay u garab taagan yihiin Ciidamada Qaranka Somaliland, oo ay taageeraan garabna u noqdaan, waxaan idin leeyahay aad baad u mahad santihiin.”

Suldaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay si mug iyo miisaan leh isu garabtaagaan ciidamada qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan idin leeyahay ciidanka qaranka waa in la garab istaagaa, maaha in aynu indhaha ka daawano, ilaa keena ugu dambeeyaa dhimanayo ee ay naftu ka baxayso ciidamada qaranka waynu is garab taagaynaa, waxaynu leenahay ALLAAHU AKBAR.”

Suldaanka Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in bulshada reer Somaliland ay wax ku tahay qarankuna ku taagan yahay ciidanka Qaranka, waxaanu yidhi “Maanta waxa aynu ku taaganahay waa ciidanka qaranka, ciidanka qarankuna inaga ayay wax inagu yihiin, maanta waxaa inoo ballan ah in aynu is garab taagno ayaa inoo ballan ah, Somaliland ha noolaato ayaanu leenahay, Somaliland cadawgeedu ha dhaco ayaanu leenahay. In badan ayaanu wax xeerinayo oo aanu nabqadda barinay, laakiin maanta dib u baryi mayno qofkii aan Somaliland doonaynina ha iskaga baxo dalka, ciidanka qarankana waxaan leeyahay guuleysta.”

 

 

 

Leave a Reply