Waxaynu Meel uga soo Wada Jeednaa Difaaca Qarankeena”

0
254

Hargeysa (Dawan)- Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa ku baaqday in meel looga soo wada jeedo difaaca dalka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Edna Aadan Ismaaciil ayaa waxa ay tilmaaantay in shacabka iyo Xisbiyadda Somaliland ay u midoobeen in dalka laga difaaco dagaalka Maleeshiyaadka huwantu ku soo qaadeen Gobalka Sool. Isla markaana la garab istaago Ciidamada qaranka Somaliland.

Edna Aadan oo arimahaasi ka hadlaysayna waxa ay tidhi “Waxa aynu meel uga soo wada jeednaa difaaca qarankeena dadkii ku tashaday in ay Somaliland soo burburiyaan, waxa aad ogaataan anaga ayay wanaag isku kaayo keenay wax aydaan naga filan ayaa Maanta ka dashay, dagaalkii iyo gardaradii aad nagu soo qaadeen wanaag ayay noo dhashay. waxa Soomaalida ku maahmaahdaa Hangaraarac lug jaban uma dhutiyo Somaliland jimcihii wixii dhacay u dhutin mayso, guul weyn ayaa Somaliland gaadhay afartaa maalmood xisbiyadii oo dhan ayaa isku yimid waxa meel looga soo wada jeedaa difaaca qaran keena,”.

Dhinaca kale qaar ka mida aqoonyahanka Haweenka Somaliland oo Magaalada Hargeysa Warbaahinta kula hadlay ayaa ku baaqay in la garabistaago Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan Deegaanka Oog.waxaana ay tilmaameen in Ciidamada qaranka yihiin lafdhabarta qaranka Somaliland.

 

Leave a Reply