WEEDHA WARGEYSKA Reer Somaliland-oow marna ha u biqina Qarankeena

0
131

Innaga oo ka xun dhibaatada ku dhacday Ciidanka Qaranka JSL ee kediska ahayd maalintii Jimcaha, kana tacsiyadaynayna Askarta, Qoysaskooda iyo Qarankaba, waxa haboon in aan dhacdadaas loogga fal-celin arragti abuuraysa iska-hor-keen, dira-diraale iyo dood siyaasaddeed jahawareer keenaysa oo aan micno iyo waxtar u lahayn Dalkeena.

Ciidanku wixii farsamo ahaan ka xumaaday ama ka khaldamay, waxay leeyihiin nidaam iyo sharci uga yaalla arrimahaasi oo kale, waan shaqo Ciidan oo xeer iyo xisaabtan gaar ah leh. Askari kasta oo Ciidanka ahi wuxuu u dhaarsan yahay difaaca Dalka oo marba marxalad joogta. Difaac Qaran waxa ka ratibmaya inuu u dhinto, u dhaawacmo ama halis kaleba la kulmo, waayo waxa uu mar walba waajahayaa cadow hubaysan oo soo weeraray Dalka ama laga xoraynayo.

Sidoo kale Ciidanka JSL dhaqaaqiisa maalmihii la soo dhaafay, wuxuu ka soo guuray Saldhigyo uu ku lahaa meel kamida Somaliland, waxaanu degay xeryo kale oo kamida Talisyadiisa Waddanka duruufo ayaana keenay sidaas, Waxaana cadowgu ku dhex dhibaateeyey dhul ay degen yihiin Dad reer Somaliland ah oo ay tobanaan sannadood Ciidanku kaga deyrnaayeen Col iyo cadaawe shisheeye iyo sokeeyaba lahaa, hase yeeshee ay xaalado aan wali loo magac bixini ay gaadhsiiyeen inay qayb ka noqdaan burburinta magaaladii iyo dawladnimadii ay haysteen, isla markaana ku diray Ciidankoodii nabad-gelyada guud ee Dalka difaacayey, iyaguna ay dugsanayeen.

Sidaas marka ay tahay bulshada ku dhaqan Gobollada M/Jeex,Togdheer, Saaxil,Awdal, Sanaag iyo degmooyinka ee aan hayn Sool iyo Buuhoodle, waxa la gudboon in aanay carqaladayn shaqooyinka Ciidanka iyo laamaha kale ee Dawladda u yaalla oo aanu dareenkooda kacsani la marin buuq iyo dhibaatooyin marin-habaabineed, waliba waxa uu xilku si gaar ah u saaran yahay Dadka Xilkaska ah. sida: siyaasiyiinta madaxdhaqameedka, aqoonyahanka iyo qof kasta oo weedhiisu meel-mar tahay.

Isimada Beesha Dhulbahante, waxa dushooda saaran masuuliyad weyn oo ah inay Ciidanka maxaabiista ah ilaaliyaan, sida ugu dhakhsaha badana u soo daayaan iyagoo waliba si bilaa shuruud ah u soo wareejinaya, waayo in Askari ka mida Ciidanka maxaabiista ahi uu ku dhinto masuuliyad ka baxsan inta gacantooda ku jirta Garaadada waxa ka dhalanaya dhibaatooyin kale oo hadhiimadeeda yeellata. Waxa kale oo la gudboon in umadda ay madax-dhaqameedka u yihiin ee Dhulbahante ay ka samato-bixiyaan jabhada hubaysan ee deegaanka iyo kuwa Huwanta ah ee doolka ku yimi oo haddii aanay deg deg u kala dirin khatar badan ku ah nabad-gelyada shacbiga Dad iyo duunyo. Garaadadaas Laascaanood fadhiyaa umaddaas ay afgambiyeen ee ay ka horkeeneen Qarankoodii yaanay wixii dhibaatadii gaadhay tu kale oo ba’ iyo bayhoof ah ugu darin.

Qaranka Somaliland Dawlad iyo Shacab waxa astaan u ah nabad-gelyo, sidaas awgeed muwaadiniinta reer Laascanood iyo guud ahaan kuwa gobolka Sool Dawladdooda iyo dalkooda waxay ula mid yihiin kuwa xasiloonida iyo wannaaga ku degen gobollada kale ee ka xun wixii gobolkaas ka dhacay ee ay kooxaha Khawaariijta ahi u geysteen Ciidanka iyo shacbiga, laysku diray ee haddana laysku dilay.

Halkan marka aynu joogno khilaaf kasta oo sababa dagaal, waxa uu ku dhamaadaa wada-hadal keena heshiis iyo nabad-gelyo loo wada oon qabo. Sidaas awgeed haddii albaabkaasi in badan xidhnaa waxaan qabaa inuu hadda furan yahay oo uu waliba lagama maarmaan yahay.

Ugu dambeyn Qof kast oo reer Somaliland ah gobolka uu doono haka soo jeedee oo wax garad ah waxa xil ka saaran yahay inuu ka qayb-qaato midnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Aynu joojin afkaaro Qabiilka, aynu joojino dhego-u-raaricinta beenta iyo fidmada cadowga. War kasta oo soo dhaca yeynaan dhab u qaadan ee hala iska hubiyo. Yaanay idaacadaha shisheeye ee aan tix-raaca lahayn innagu hogaamin hubsiimo la’aan.

ย 

Leave a Reply