Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo la Kulmay Diblomaasi ka Socday Denmark

0
162

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku xigeenka dalka Denmark oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay safiir ku xigeenka dalka Denmark Amb Gertrud Birk, oo uu wehelinayay madaxa xafiiska Denmark ee Somaliland Mathias Kjaer.

Kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, gaar ahaan dhinaca garsoorka iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed shalay ka qayb galay, munaasibad loogu fooladaynayay dufcadda 20-aad ee ka qalin-qorata Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo tiradoodu dhammayd 1,360 arday isla markaana ay kamid ahaayeen Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal iyo hawl-wadeeno kale oo uu kamid ahaa Agaasimaha Waaxda Maxkamadaha Guurguura ee Maxkamadda Sare oo ugu sareeyay culuumta heerka labaad ee sharuucda ciqaabta iyo cadaaladda (Criminal Law and Criminal Justice), kuwaasi oo Garsoorku deeq-waxbarasho ugu diray Jaamacadda Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay ardayda sannadkan ka qalin-qoratay Jaamacadda Hargeysa, waxaanu xusay in ardaydii hore uga baxday Jaamacadda Hargeysa ay hoggaaminayaan qaybaha kala duwan ee Qaranka, haddii ay tahay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba.

Guddoomiyaha ayaa geesta kale bogaadiyay barayaasha iyo hoggaanka kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda oo uu ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin horumarka baaxada leh ee Jaamacadda ka tisqaaday, waxaanu xusay in Jaamacadda Hargeysa iyo jaamacadaha kale ee dalku ay door shariif ah kaga jiraan horumarka dhanka cilmiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa ardayda u hogga-tusaaleeyay in 80% hawl-wadeenada Garsoorku ay yihiin ardaydii jaamacadaha waddaniga ah ka soo baxay, waxaanu xusay in bahda Garsoorka ee ka hawl-gasha gobolada dalkuna ay ka baxeen jaamacadaha ku yaala gobolada, haddii ay tahay Jaamacadda Camuud iyo kuwa kale ee ku yaala gobolada kaleba, kuwaasi oo heshiis wada-shaqayneed la leh Bahda Garsoorka. Waxaanu ardayda ku dhiirayay in ay maskaxda ku hayaan in dalku u baahan yahay cudud shaqaale oo dhiig cusub u noqota hayaanka horumar ee dalka ka socda.

Guddoomiyaha ayaa is-dul-taagay in shaqadu aanay kaliya ahayn wax la isa-siiyo ee ay tahay hal-abuur loo baahanyahay in qofku la yimaado, waxaanu u hogga-tusaaleeyay sida dalkeena ay ugu soo shaqo tagaan ajaanib fursado ka raadsanaya, kuwaasi oo kasbada shaqooyin ay lacag badan ka sameeyaan, waxaanu xusay in muwaadinku ahmiyada koowaad leeyahay, isla markaana ay muhiim tahay in ardaydda iyo xirfadlayaasha kale ee waddaniga ahiba ku dhiiradaan in ay ka shaqaysiiyaan tamartooda hal-abuur, hay’adaha Qarankuna ay markasta garab taaganyihiin fursadsiinta ardayda tamarta cusub xambaarsan.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa bogaadiyay tiradda haweenka ee ku soo badanaysa bahda waxbarashada, waxaanu ku timaamay in ay door shariif ah kaga jiraan dheeli-tirka bulshada iyo horumarka dalkeena.

Gunnaanadkii Guddoomiyaha ayaa xusay in ay qaadan doonaan labada arday ee ugu sareeya kulliyada sharciga, si ay ugu dhiirigaliyaan dedaalkii iyo tacabkii ay soo hureen.

 

 

 

Leave a Reply