Taiwan oo Somaliland ku Martiqaaday Shir Caalamiya oo ay Qabanayso

0
238

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa sii sagootiyay mid ka mid ah khubarada wasaaradaas, oo shir muhiim ah kaga qayb gali doona dalka Taywan.

Shirkan oo lagu qaban doono dalka Taiwan waxa ka qayb-gali doona 25 wadan, oo ay Somaliland ku jirto, waxaanay wasaaradda horuymarinta beeruhu sheegtay inuu shirkaas Somaliland ku matali doono Khadar Mawliid, oo ka mida aqoonyahanka wasaaraddaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Prof. Aadan Cabdilaahi Sheekh ayaa sheegay in shirkaas oo socon doona 15 maa-mood uu ku saabsan yahay kor u qaadidda habka wax-soo-saarka Beeraha ee casriga ah.

Prof. Aadan Cabdilaahi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland wuxuu tilmaamay in shirkaasi yahay mid Somaliland u leh muhiimad, maadaama oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada uu koraayo waxsoo-saarkooda dhanka beeruhu.

Shirkjani maaha kii u horeeyay ee heerkaas leh ee ay Somaliland ka qayb-gasho, dhawaan ayay hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda beeruhu ka soo laabteen shirar iyo aqoon-iswaydaariyo ay kaga soo qayb galeen dalka Taiwan, oo ay Somaliland leeyihiin xidhiidh wanaagsan.

 

Leave a Reply