Madaxweyne ku xigeenka oo ka Qayb Galay Qalinjabinta Dufcaddii 20-aad ee ka Baxda Jaamacada Hargeysa

0
332

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay Munaasibad loo sameeyay dufcaddii 20-aad ee ardayda ka qalinjabisay Jaamacada Hargeysa.

Xaflada qalinjabinta dufcaddii 20-aad ee Jaamacada Hargeysa oo ay ka qalinjabiyeen kun iyo saddex boqol iyo lixdan arday oo baratay waxbarashada heerka koobaad iyo labaad ayaa waxa ka qayb galay, madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Maxamuud Yuusuf Muuse, macalimiinta Jaamacada, waalidiinta, ardayda, xubno ka mida golaha wasiiradda, xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha jaamacada Hargeysa, Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa sheegay in 1360, arday ay maanta ka qalinjabiyeen jaamacada, islamarkaan 51% wiilal yihiin halka habluhuna ay yihiin 49%.

Guddoomiyaha jaamacada Hargeysa, ayaa qalinjanbiyayaasha u hanbalyeeyay, waxaanu u ka codsaday in cilmigii ay barteen uu noqdo mid wax ka baddela naftooda, waxaanu intaas ku daray in ay muuqdaan dadaalo wanaagsan oo ku saabsan adeegbixinta waxbarasho ee Jaamacada iyo tayaynteeda.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka iyo madaxdii kale ee ka soo qaybgashay qalinjabinta ardayda ayaa shahadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay uguna hanbalyeeyay.

 

 

Leave a Reply