Shaqaale lagu Tababaray ka Hortagga HIV/AIDS ee Hooyada iyo Dhalaanka

0
133

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Mahamed Cabdi Xergeeye, ayaa tababarka ku saabsan ka hortaga iyo badbaadinta hooyada iyo dhalaanka ee xanuunka HIV/AIDS oo loo qabtay shaqaale ka kala socday dhamaan gobolladda dalka.

Furitaanka tababarkan ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxa qaybta xakamaynta xanuunka HIV/AIDS ka ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda masuuliin ka socday Hay’adda UNICEF iyo shaqaale Caafimaad.

Waxa halkaa ka hadlay oo ka warbixiyay tababarkan iyo ujeedooyinkiisa madaxa qaybta xakamaynta xanuunka HIV/AIDS ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Sayd Ismaaciil, waxaanuu tilmaamay in tababarada noocan ahi yihiin kuwo u muhiim ah shaqaalaha ka shaqeeya xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay agaasimaha waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Mahdi Daahir Bahdoon, waxaanuu shaqaalaha qaadanayay tababarkan kula dardaarmay inay weeleeyan aqoonta ay baranayaan.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee wasaararadda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si rasmi ah u furay tababarkan ayaa sheegay in wasaaradda caafimaadka ay ka go’an tahay inay xoojiso aqoonta shaqaalaha Caafimaadka, tababarkaasina ka mid yahay dadaalada ay Wasaraddu ugu jirto sidii looga badbaadin lahaa Hooyada iyo dhalaanka xanuunka HiV/AIDS

Leave a Reply