Xildhibaan Guurtida ka Tirsan oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Ceel Afweyn

0
107

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdirisaq Haybe Xuseen oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa baaq nabadeed u direy beelo walaalo ah oo dirir ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Xildhibaanka ayaa labada dhinacba ka dalbaday inay nabada qaataan, oo ay aqbalaan ergada xukuumadda Somaliland u dirtay xalinta shaqaaqadaas, kuwaas oo hadda ku hawlan xal u helida khilaafka degmadaasi.

Geesta kale xildhibaan Cabdirisaaq waxa uu sheegay in ay ka gole guurti ahaan guddi u dirayaan xaalada ka taagan degmada Ceel Afweyn, si ay qayb uga noqdaan ergooyinka wada dadaalada lagu soo celiyo nabadgelyadda.

Gaba-gabadii xildhibaan Cabdirisaaq, waxa uu ugu baaqay culimadda, salaadiinta, aqoon yahanka iyo waxgaradka JSL in ka qayb qaataan talaabooyinkaas lagu daminaayo colaada degmada Ceel Afweyn, waxaanu mudanuhu kula dardarmay bulshada ku nool degaankaasi in wixii tabasho ah iyo mago ahba hoos u dhameystaan.

Leave a Reply