Waayaha Nolosha Iyo Wakhtiyada Adag!

0
576

Waayaha nolosha waxa ku lammaan wakhtiyo adag oo werwer iyo murugo leh,  iyo maalmo iyo sebeno farxadeed. Wakhtiyada adag iyo waayaha qadhaadhka iyo dhibta xambaarsan waxa loo baahan yahay in si wanaagsan oo xikmad ku dheehan tahay loo maamulo, taasi oo keenta in xalka arinkaasi si fudud lagu gaadho.

Xaaladaha adag waxa loo daaya cidda wax ka qaban karta isla markaana xalkeeda garan karta.   Faylasuufyada aya sheegay in qofku wakhtiga adag uu noqon karo , qof  adkaysi leh oo ku sabraya dhibta isla markaana arinkiisa usoo bandhigan kara dadka arrinkaasi wax kala qaban kara.

Maanta dunidu waxay ku jirta seben aynaan hore u arag oo isku mid ah, dal kastaana waxa uu noqday mid ay tiisu cuslaysay, iyadoo ay jirto dagaalo samayn wayn oo dhaqaale, amaan iyo siyaasadeed ku yeeshay caalamka.

Mushkuladda waxa lagaga baxaa in Allah (sw) la talo saarto, laakiin dadaalka fikirka iyo awoodaada aanad waxba la hadhin.

Rasuulka Allah (sw) iyo Khaliifka Abiibkar Sidiiq (Rc) markii ay u hijroodeen Madina, waxa ay la yimaadeen arrin kasta, waxay diyaarsadeen sahaydi, qofkii wadada ku hagi lahaa, raadkooda qofkii masaxi lahaa, arrimahaasi waa dadaalka laga rabay, Allah (sw) way talo saarteen , waana ay nabad galeen.  Waxaana ay inoo tahay tusaale ah in aynu arrin kasta oo dadaal ah oo aan u aragno in dhibta xal u tahay la nimaadno.

 

 

Leave a Reply