Madaxweynaha oo Aqbalay Soo Jeedintii Madaxda Dhaqanka

0
202

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay shaaca ka qaaday inuu aqbalay soo-jeedintii madaxda dhaqanka ee dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Wareegto shalay ka soo baxday xarunta Madaxtooyadda, laguna socodsiiyey shir-gudoonka Golaha Guurtida, Wakiiladda iyo Komiishanka Doorshooyinka qaranka ayaa u dhignayd sidan;-

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa la raaciyey, “Si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.”

Wareegtada aqbalaada Madaxweynaha ayaa Meesha ka saaray werwer bulshadu ka qabtay khilaafyo dhinacyo kala duwan oo dalka ka taagnaa.

 

Leave a Reply