Wasaaradda Khaarajiga oo Cambaaraysay Muuqaalo Tacadiyo oo ay Kooxaha Huwantu Faafiyeen

0
164

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ayaa si adag u cambaaraysay wararka iyo muuqaallo tacadiyo anshaxa ka baxsan oo loo geystay askarta Ciidanka Qaranka oo kooxaha Huwantu baraha bulshada ku faafiyeen.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga ayaa u dhignaa sidan;

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si adag u cambaaraynaysaa wararka iyo muuqaallada lagu faafinayo Internet-ka ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bini’aadantinimada ee lagula kacay Askarta Somaliland ee la qabtay Jimcihii 25-kii August.

Maalmihii la soo dhaafay waxa baraha internetka ee kala duwan ku wareegayay Muuqaalo kala duwan oo muujinaya Askarta Somaliland oo si arxan darro ah loo jirdh-dilayo, iyo muuqaalo muujinaya sida loo bahdilay. Waxaan rabnaa in aan xasuusino dhammaan kuwa ku lug leh in ay ula dhaqmaan maxaabiista dagaalka (POWs) si buuxda oo waafaqsan Axdiga 3aad ee Geneva iyo sidoo kale caadooyinka Islaamka sida ku cad Quraanka Kariimka ah ee xilliyada colaadaha.

Qoraalkan ayaa uugu baaqay wadamadda caalamka inay ka hadlaan, isla markaana dhaleeceeyaan ficiladda anshaxa suuban ka baxsan.

“Beesha Caalamka waxaanu u soo jeedinaynaa inay si deg-deg ah wax uga qabtaan xaaladdan, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo in ciidamada Somaliland iyo sidoo kale meydadka dadka dhintay loola dhaqmo si la mid ah axdiyada caalamiga iyo hanaankii ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ula dhaqantay tan iyo markii uu bilaabay khilaafkan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply