Xukuumada oo shaacisay Qabsoomidda Shirweynaha Dhaqaalaha Dalka Somaliland

0
162

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda ayaa shaaca ka qaaday inay qaban doonaan shirweyne dhaqaalaha dalka oo caqabadaha jira, iyo xalalkii lagaga bixi lahaa lagaga hadli doono.

Kulan Guddida Dhaqaalaha Golaha Wasiirada Jimcahii yeesheen ayey kaga dhawaaqeen qabashada Shirweynaha Dhaqaalaha Dalka oo qabsoomi doona 14 -15 October, 2023 waxa uuna ka qabsoomi doonaa Magaalada Hargeysa.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo lagu qabto Somaliland. Shirkan waxa lagu lafo guri doonaa maalmaha uu socdo caqabadaha hortaagan xallinta mushkiladaha dhaqaale ee Waddanka haysta iyo sidii loogu heli lahaa Xal-waara.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ah gudoomiyaha Guddida dhaqaalaha Golaha Wasiirada ayaa faah faahin ka bixiyay ayaa ka waramay qodobada ugu muhiimsan ee laga doodi doono, iyo waxii ka qabsoomay go’aamadii ka soo baxay shirweynahii hore ee dhaqaalaha dalka.

“Shirka sannadkan ooh al-ku-dhigiisu yahay sal-balaadhinta dhaqaalaha dalka iyo casriyeyntiisa, ayaa ujeedadiisu tahay meel isugu keenida ganacsatada gaarka loo leeyahay, hay’adaha dawladda iyo aqonnyahanka, si loo falanqeeyo, loona qorsheeyo qodobada la xidhiidha dhaqaalaha ee dalka waajahayo.

Dr. Sacad ayaa sheegay in shirkan dhaqaalahu noqon doono mid sannad walba la qabto, isla markaana loogu horumariyo kor-u-kaca dhaqaalaha dalka.

 

Leave a Reply