Dadwaynaha Berbera oo si Balaadhan u Taageeray Ciidanka Qaranka JSL

0
119

Berbera (Dawan) Bulshada ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa shalay bannaanbax ballaadhan isugu soo baxay. Bannaanbaxan oo lagu taageerayay ciidamada qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay waxa wadooyinka waaweyn ee magaalada Berbera soo buux dhaafiyey dadweyne aad u tiro badan oo ku dhawaaqayay astaanka heesta qaranka iyo kuwo kale oo ka turjumaya hiilka iyo difaaca ciidanka qaranka.

kumanaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera.oo iskugu jira, caruur, dhalinyar, odayaal iyo haween, oo ruxaya calanka Somaliland, ayaa isugu yimid fagaaraha kheyriyada beerta xoriyadda ee magaalada Berbera, iyaga oo taageero u muujinaya ciidanka Qaranka. Bulshada reer Berbera oo ay ka muuqato qiiro iyo waddaniyad sarreysa, ayaa sheegay inay markasta ka go’an tahay taageerada ciidanka iyo dhiirigelintiisu. Dadweynahan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay hadallo iyo odhaahyo ay ku muujinayaan in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidanka qaranka ee habeen iyo maalinba u soojeeda Difaaca Qarannimada JSL. Reer Berbera ayaa cod dheer ku sheegay in ay diyaar u yihiin difaaca dalka iyo dadka haddii loo baahdo.

Ugu dambeyn waxa goobta fagaaraha beerta xoriyadda, bulshada kala hadlay madaxda heer iyo heer degmo oo Dhammaantood boggaadiyay ciidamada Qaranka Somaliland.

Guud ahaan Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay bannaanbaxyo ay bulshado ku taageerayso isla markaana isku barbartaagayso ciidanka qaranka Somaliland.

 

Leave a Reply