Odayaashaa Is-xilqaamay Waxay Doonayeen Wadajirka Dalka”

0
211

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Axmed Timojilic) oo ka mida ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay mooshinkii talo soo jeedintii odayaashii is-xilqaamay ee ahayd in mar la wada qabto Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda ee Golaha Wakiiladu ansixiyay.

Axmed Cabdi Ibraahim oo shalay u Waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay haboontahay in mar la wada qabto doorashooyinka.

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Doorashooyinka in laysa saaro marka dhaqaale ahaan la eego,marka la eego axsaabta iyo Ururada Siyaasada.dansaxa ayaan u arkayaa in mar la wada qabto oo lays raaciyo Doorashooyinka.waxaana ka hawlgalay Odayaal dhaqameed muwaadiniin reer Somaliland ah oo xaq uleh. cida taageertay waa la mid waxaana ay doonayeen wadajirka dalka iyo Nabedgalyada iyo wax wada qabsiga.Somaliland waa bulsho si iskumida wanaag u wada rabta waana uga mahadnaqayaa”

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in lagu qasbanyahay in buurta Gacanlibaax ka soo dagaan kooxda hubaysan”Waa lagu qasbanyahay in buurta ka soo dagaan dadkaa fuulay,iyada oo ay iskaga badan karaan u jeedooyinka loo fuulay iyo in iska raacday,”.ayuu yidhi Xildhibaanka.

 

Leave a Reply