Dawlada Hoose ee Ceerigaabo oo Samaynaysa Waddooyin Casri ah

0
145

Ceerigaabo (Dawan) Dawladda Hoose ee Degmada Ceerigaabo oo uu hoggaaminayo duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlan dayactirka waddooyinkii laamiga ah ee magaalada iyo kuwo cusub oo magaalada laga binaynayo.

Sidoo kale waxa dhammaaday oo farta laga qaaday waddooyin cusub, kuwaas oo wax weyn ka baddelay isu socodkii gaadiidka iyo dadka, isla markaana ay siweyn u soo dhaweeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Ceerigaabo.

dowladda hoose ee degmada Ceerigaabo waxa ay bilaabaysaa waddooyin isku xidhaya xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

geesta kale mashaariicda Waddooyinka ee dowladda hoose wadaa waxa taageeraya oo ay iska kaashanayaan dadweynaha Ceerigaabo.

 

 

Leave a Reply